Nuxurka Kulamo Uu Wasiirka Arrimaha Dibada Somliland La Yeeshay Madaxwaynaha Djibouti Iyo Iyo Nuxur Qodobada Laga Wada Hadlay

0
1398
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland iyo Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle: PHOTO FILE

Djibouti,(HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo wafti uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxwaynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Jabuuti.

Waxaana wasiir Sacad Cali Shire iyo madaxwaynaha dalkaasi Jabuuti intii kulankoodu socday ay ka wada hadleen arrimo badan oo xasaasiya.

Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlay nuxurka kulanka uu la qaatay madaxwaynaha Jabuuti iyo qodobada ay ka wada hadleen ayaa waxa uu yidhi

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa madaxwaynaha,wasiirada iyo saraakiishii kale ee na qaabishay sida wanaagsan ee qadarinta leh ee ay Jabuuti noogu soo dhaweeyeen,waxaan madaxwaynaha ka wada hadalnay arrimo badan oo iskugu jira xagga Nabad-galiyada,Siyaasadda,Dhaqaalaha,Iskaashiga iyo wax wada qabsiga Ayaan ka wada hadalnay iyo sidii runtii dhiddibada loogu aasi lahaa heshiis laga gaadho amuurahaa si looga wada shaqeeyo”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyey “Jabuuti waa wadan horumaray wax badana nagu siyaadin kara wax badana aan ka korodhsan karno”sidaas ayuu wasiir Sacad Cali Shire hadalkiisa kusoo koobay.

Dhanka kalena wasiir Sacad Cali Shire ayaa sidoo kalena waxa uu xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Jabuuti Xasan Cumar Maxamed iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska dalkaasi Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax,waxaana ay labada dhinacba kulankaasi intii uu socday kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay sidii ay labada dal uga wada shaqayn lahaayeen dhanka Nabadgaliyada isla markaana ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka ka dhaxeeya labadaasi dal.

Gabagabadiina wasiir Sacad Cali Shire waxa uu madaxwaynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu gaadhsiiyey warqad uu uga siday madaxwaynaha dalka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo taas oo aan la garnayn nuxurka qoraalka ku qornaa.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here