Nuxurka Dhambaal Madaxweyne Siilaanyo U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan

0
970

siilaanyo Tayyip ErdoganHargeysa (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland ayaa Madaxweynaha Cusub ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo Doorashadii Madaxtinimo ee Axaddii mar kale ku guulaysay Hogaanka Dalkaasi ku hambalyeeyay Kalsoonida Shacabkiisu siiyay mar kale.waxa uu sidoo kale sheegay in Shacabka Somaliland Ogsoon yihiin Gacanta Taageero ee Turkigu siiyo.
“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca goleyaasha qaranka iyo ka shacbiga Somaliland kalsoonidooda, waxaanu Mudane Recep Tayyip Erdogan, aan adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee turkigaba ugu hambalyaynayaa guushii iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyadda ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Turkigu ay ku siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi. Arrintaasi oo adigana Hoggaamiye ahaan kugu sii dhiirigelinaysa inaad halkaas ka sii wado horumarka xooga leh ee aad dalkaaga u horseeday” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi Dhambaalka uu u diray Madaxweynaha Cusub ee Turkiga
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Erdogan u Rajeeyay inuu ka soo bixi doono Kalsoonida iyo Xilka ay markale u dhiibteen Shacabkiisu “Qaranka iyo shacbiga Somaliland waxay ogsoon yihiin taageeradda iyo gacan qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rajaynayo inay sii xoojin doonto xidhiidhka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here