Nuruxka Afar Qodob Oo Lagu Ilaalinayo Sharafta Madaxdhaqameedka Dalka Oo Wasiirka Arimaha Guduhu Soo Saaray

0
987

DSC_0060 Cali WarancadeHargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta wareegto ka soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan Somaliland.

Wasiirka ayaa wareegtada oo ka koobnayd afar qodob ku sheegay in Madaxdhaqameedka Dalka oo dhinaca amaanka hawl culus oo tabaruc ah ay ka hayaan islamarkaan wasaaradda Arimaha gudaha ka taageeraan hawlaha amaanka.

Qodobada ayaa u dhignaa sidan

1.      In la Dhawro Sharafta iyo Karaamada Madaxdhaqameedku leeyahay

2.      In loo fududeeyo Gacanna lagu siiyo Gudashada hawlaha ay umadda u hayaan ee nabad galyada iyo Xallinta khilaafaadka

3.      In Caaqilka Jabiya Qodobada Sharciga ah, xadhigiisa loo soo maro wasaaradda Arimaha gudaha, islamarkaana lala soo socodsiiyo Gudoomiyaha Gobolka ay Arintaasi khusayso

4.      Inaan la xayiri Karin Mushaharka Caaqilka ama Madaxdhaqameedka haddii aanay jirin sabab Kalifaysa.

Wasiir Warancadde waxa uu amray Badhasaabada iyo laamaha amaanka ee dalku inay meel mariyaan Wareegtadan.

Wareegtadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay 10 ka mid ah Madaxdhaqameedka dadka dega Burco lagu xidhay magaaladaasi ka dib khilaaf dhul oo ka dhashay degaanka Baliga Diiriye Guuleed.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here