Ninkii Oromada Ahaa Ee Ay Dhawaan Ciidamada Boliska Tog-Wajaale ay Ku Qabten Isagoo Xidhan Xijaab iyo Niqaamka Oo Maanta La Horkenay Maxkamada Gabiley

0
1222

nin xidhan xijGabiley,(HargeisaPress) — Maxkamda Gobol Dagmo Gabiley Ayaa Maanta La Horkenay Ninkii ay Dhawaan Ciidamada Boliska Dagmada Togwajaale ay Ku Qabten Bacadlaha Wayn Ee Magaalada Togwajaale Ninkaasi Oo Markii ay Ciidamadu Qabten Xidhnaa Xijaabka iyo Niqaamka Dumarku ay Xidhaan Waxana La Aqoonsday In Uu kasoo Jeedo Oo ah Dalka ETHOPIYA Waxana lasheegay In Uu Yahay Nin Oromo ah.
Kiiska Ninkan Ayaa Waxa Lala Xidhiidhnayaa In Loga Shikiyay Argagixiso Iyadoo ay Maalmahanba ay Baadhisi Ku Wadeen Ciidamada Boliska Dagmada TogWajaale Ayaa Maanta Waxay Horkeenen Maxkamada Gobol Dagmo Gabiley Iyadoo ay Maxkamaduna Udirtay Todoba Cisho Oo Ruman Ah Waxana Loo Dhaadhiciyay Jeelka Wayn Ee Magaalada Gabiley

Hadaba Mar ay Shabakada Arabsiyonews.com la Xidhiidhay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Cabdilaahi Xuseen ayaa Waxa UuNoo Sheegay In ay Wali Ninkaasi Ku Socoto Baadhis isla Markaasina ayna Ka Hordhacayn inta ay Baadhistu Socoto

Waxanu Yidhi Walaahi Dee Horta Sida aynu Lawada Socono Waxay Ciidamada Boliska Magaalada Togwajaale ay Gacanta Kusoo dhigen Ninkan Oo Xidhan Xijaabta Ay Xidhaan Dumarku Waxana Ninkani Uu kasoo Jeeda Dalka EThopiya Waana Nin Oromo ah Markaa Waxa Socota Baadhis Ilaa Intay Socoto Baadhistu Kama Hordhacayno ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Gabiley Cabdilaahi Xuseen Waxakaloo Uu Intaasi Ku Daray In Sharciga la Horkeeni Doono Hadii ay Wax ku Cadaadan Oo Ciqaabtiisa la Marin Doono Markaasi Balse aan Hada Laga Hordhacayn Baadhista Kusocota Ninkaasi

Sikastaba Ha Ahaate Waxa La Filayaa In Bacda Ciida La Horkeeno Maxkamada Waxana Lawada sugayaa Waxa Kasoo baxa Arimaha Ninkaasi Oo Loga Shakiyay Falaal Nabadgalyo Daro awgeed
Arintan ayaa la yaab ku noqotay gebi ahaan dadwaynaha ku dhaqan gudaha magaalada to-wajaale Iyadoo Maanta La Horkeenay Maxkamada Magaalada Gabiley isla markaana ilaa maanta si aad ah looga hadal hayay suuqyada iyo goobaha ijtimaaciga ah ee bulshada ku kulanto ee ku yaala magaalada Gabiley lama garanayo sababta rasmiga ah ee ninkaasi ku kaliftay inuu xidho xijaabkaa iyo niqaamka Balse Booliska magaalada Gabiley ayaa baadhis xoogan ku haya kiiska ninkan.

ninkaasi markii la su,aalay sababta ku kaliftay uu ku andacoonayo in xijaabka uu u iibinayay xaaskiisa isla-markaana uu isku qiyaasayay.

Wariye: Mohamed Hassan JUBA

HargeisaPress Gabiley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here