Ninkii Fuliyey Weerarkii Holland Oo La Shaaciyey + Dhimashada Oo Kordhay

0
822

Utrecht,(HargeisaPress)—Waxaa sii kordhay khasaaraha dadka ku dhintay toogashada ka dhacday magaalada Utrecht ee dalka Netherlands, oo maraysa saddex qof.

Toogashada oo uu gaystay nin hubeysan ayaa ka dhacday goob tareenada laga raaco oo lagu magacaabo Fagaaraha 24 October, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sagaal qof.

Booliska ayaa sidoo kale baahiyey muuqaalka nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Gokman Tanis, oo 37 jir ah, kaasi oo la sheegay inuu weerarka fuliyey, waxaana weli socda baadi-goobkiisa.

“Waxaan xaqiijin karnaa dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca sagaal kale, oo saddex ka mid ah xaaladooda ay halis tahay”Sidaa waxa yidhi duqa magaalada Utrecht Jan van Zanen.

Ra’iisul wasaaraha dalka Netherlands¸ Mark Rutte ayaa baajiyey kulan uu la lahaa isbahaysiga talada haya, waxaana lagu war-geliyey dhacdadan. Booliska ayaa weli wada baaritaanka.

Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga Geeska Africa.

SAWIRRO

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here