Nin aan Waxa Jooga Garanin-Waxa soo Socda Ma Garto!

0
1070
Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

Salaanta Islaamka ka dib, aduunyadda horaa loo yidhi, waa sagaal, qabyo ama baylah kama dhamaato, balse marwalba, Bani’aaddamku waxuu u taagan yahay, ama ku dedaalaa daboolideeda guud ahaan, gaar ahaana, ummad kastoo Ilaahay isku deegaan ku abuuray, way u taagan tahay hadafkaa, waajibku ha ku horeeyo, haddba inta ay u dooratay ee arrinka xalkiisa u xilsaaran. Balse hadii waajibkaa ay ka gaabiyaan kuwii looga fadhiyey, sida baylaho badan oo dalkeena horyaala, qeybna ka tahay ta maanta igu kaliftay inaan qalinka u qaato, oo xaqiiqdii gubaysa anniga iyo inta ila garaadka ah ee u taagan difaacida dannaha dalkooda JSL iyo dadkiisa, ayaa igu ajburtay inaan la wadaago bulshada, si aanu wadajir ugu hoga-tusaalayno inta ay khusayso, dhamaynteedu.

Waxa muddo dhoweyd dalkeena ka dhacay fal waxashnimmo ah oo loola badheedhay bulshada ku nool Buuhoodle, isla markaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadheen muwaadiniinteena, Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatay, inta ku dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan haka siiyee, aamiin, oo guud ahaan bulshadeeda iyo madaxdeenu uguna horeeyo Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi si weyn u cambaareeyeen, isla markaana Madaxweyne Biixi ku amray hay’addaha Amaanka dalka inay baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo cadowga ka dambeeyey.

Maalin ka dib, waxa weedhahii Madaxweynaha JSL Md Biixi kaga deyday isla markaana amray in muddo afar iyo labaatan saacadood lagu helo natiijada kuwii ka dambeeyey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland Md Cabdi-weli M Cali Gaas, halka nasiib-darro Ku-xigeenkiisu hubsiimo la’aan eedaha weerarkii Buuhoodle kula soo galgashay dalkeena dadkiisii lagu gumaaday inay ka dambeeyeen! Balse horaa loo yidhi ( af aanad lahayn ma qabatid).

Maalmo horteed Guddi sheegtay inay baadhayeen falkii ka dhacay Buuhoodle oo maamulka Puntland metelayey waxay shaaciyeen inuu gebagebo ku dhow yahay hawshoodii, dhowaana natiijadeeda shaacin doonaan, ka dib kulan dhexmaray Madaxweyne-xigeenka Puntland (Ninkii Hubsiimo-la’aan ku eedeeyey JSL weerarkii Buuhoodle), akhristow- maxaad filaysaa in natiijada Puntland noqon doonto? Nin Raggi wuu Garran-doqqona loo sheegi mayo!

Waxaan isweydiiyey tollow, baadhitaankii Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi faray in lagu sameeyo falkaa oo sida cadceeda ugu muuqday ummada kuwii ka dambeeyey, dhinacyo kala duwana magacaabeen, ayaa xog la’aanta igala soo gudboonaatay arrinkaa, waxa iigu biiray, halis kaloo laga soo sheegay inay ku soo korodhay bulshada reer Buuhoodle, kuna saabsan baqdin-gelin dhinaca telefoonada fariimo dad kala duwan loogu soo diray, (Wallow) xaqiijinteedu dambayso, balse waa digniino aan la dhayalsan Karin, oo wadanka jaarkeena ee Soomaaliya hore bulshadiisa loogu burburiyey, hadaan degdeg looga gaashaaman?

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin aan waxa jooga garanin, waxa soo socda ma garto” waxaan ku baraarujinayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland inay feegijnaan dheeraad ah u yeeshaan ilaasashaha dannahooda iyo nabadgelyada dalkooda Ilaahay ku mannaystay, Uguna Mahadnaqaan, gaar ahaana hay’addaha u xilsaaran Amaanka iyo Xukuumada ku boorinayaa inay talaabooyinka ku haboon ka qaadaan, isla markaana looga fadhiyo inay qorshayaashii ay ku waajahi lahaayeen dabbinada cadowgu maleegayo u diyaar ahaado, iyagoo la kaashanaya bulshadooda u heelan dalkooda, Ilaahay ummadeena JSL iyo guud ahaan Islaamka guluubtooda ha mideeyee. Aamiin.

Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye).

LEAVE A REPLY