NERAD Oo Xubno Xog Ururin Ka Soo Sameeya Saamaynta Abaarta U Kala Dirtay Goboladda Dalka + SAWIRRO

0
1013

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha  hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee Somaliland NERAD Dr. Maxamed Muuse Cawaale, ayaa tababar u soo xidhay 15 xubnood oo ka kala socday lixda  gobol  ee waa weyn.

Tababarkaasi oo     muddo afar maalmood ah ka socday xarunta hay’adda NERAD ee Hargaysa  ayay   u jeedadiisu  ahady sidii xubnahaasi  ay  xog iyo macluumaad uga soo ururin lahaayeen saamaynta abaartu ku yeelatay goboladda dalka.

Xubnahan 15-ka ah    ayaa ka kala socda lixdii  gobol  ee hore iyo kuwo ka tirsan shaqaalaha  xarunta hay’adda NERAD. Waxaana  loogu tallo-galay in ay ka soo warbixiyaan raadkii iyo saamaynta toga nee ay abaartu ku yeelatay goboladda dalka.

Guddoomiyaha hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah Dr. Maxamed Muuse Cawaale, oo tababaarkaasi soo xidhay ayaa  sheegay in qorshuhu kadib marka xogta la soo dhamaystiro in la keeni doono xarunta hay’adda NERAD, iyadoo marka danbena loo gudbin doono hay’adaha caalamiga ah eek u shaqadda leh.

Maxamed Muuse Cwaale,  ayaa uga mahad celiyay hay’adaha  UNDP iyo  UNOCHA ee gacanta ka gaystay barnaamijkaasi iyo tababaarkaba. Waxaanu yidhi “Waxanu arrintan u samaynay in hay’adda NERAD ay yeelato meel center ah oo ay xog ururintu isugu timaado, kadibna la analysis gareeyo oo la isla eego, kadibna loo dirro xogta  hay’adihii kale ee qaabilsanaa ee aynu rabnay in ay wax ka qabtaan.

Xog ururinta waxaa kale oo raacaya in meelaha ugu daran  ee ay abartu ka dhacday in aan mar mar cidiba gaadhin, oo dabadeedna wax badani ay halkaa qaldamaan. Markaa waxaanu idinku dhiiri gelinaynaa in aad hawshaasi sideeda u qabataan, maadaama oo aan qalabkan casriga ah ee lagu shaqaynayo keenay”.

Dr. Cawaale,  ayaa tilmaamay in xubnaha loo xulay in ay shaqadaasi soo qabtaan ay yihiin kuwo lagu soo xulay khibradoodda iyo aqoontoodda, iyadoo uu barnaamijkaasi socon doono muddo 3 bilood ah.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa hay’adaha UNDP iyo OCHA oo tababarkana inala qabtay. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa in xubnihiina la soo xulay aad tihiin dad shaqadan garanaya oo aydaan ahayn dad la iska keenay iyo kuwo aan anigu jeebka kala soo baxay, sidaas ayaana dawladnimadda iyo sharaftu ku jirtaa.

Muddo 3 bilood ah ayaynu wadaynaa hawshaasi, kadibna waa la eegi doonaa. Waxaan idinku dhiiri gelinayaa in aad hawshaasi ka faa’iidaysataan in yarna ha noqotee, anigoo filaya in wax wanaagsani uu ka iman karro, waayo dad khibrad leh ayaa idinku jira” ayuu yidhi Maxamed  Muuse Cawaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here