Natiijada doorashada Kenya oo lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah

0
1102

NAIROBI, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegey in natiijada kama dambeysta ah lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in natiijooyinka hadda la soo gudbiyay aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtay.

Mar wax laga weeydiiyey eedeynta hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ee ah in la jabsaday habka electaroonika ee guddiga, kadibna lagu shubtey codadka ayaa waxa uu yiri “Waan baari doonaa sheegashaadaasi, balse hadda waxba kama oran karo”.

Wasaarada amniga ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aysan heli warar ku saabsan iska horimaadyo iyo rabshado dalka ka dhacay, wax walbana u socdaan sidii caadiga aheyd.

Wasiirka amniga Fred Matiang’I ayaa sheegay in ay ka fikirayaan xannibaad la saaro baraha bulshada oo sida uu hadalka u dhigay ah halka laga huriyo colaadaha iyo isku dhacyada rabshadaha wata.

Kenya ayaa hadda u baahan in ay ka gudubto imtixaan adag oo hor yaala kaddib doorashadii shalay dhacday, waxaana si gaar ah isha looga wada hayaa fal celinta dhinacyada loolamaya ka bixin doonaan marka laga dhawaaqo natiijada rasmiga ah.

Hadalka hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ee ah in uusan ku qanacsaneyn natiijada hor dhaca ah ayaa dad badan oo Kenyaan ah ku abuuraya shaki la xiriira qalalaase la filan karo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here