Natiijada Cod-bixintii Waddanka Nigeria oo la Filayo in Maanta lagu Dhawaaqo + SAWIRRO

0
924

ABUJA, NIGERIA— Laba casho oo ay socotay codbixin dalka Nigeria ayaa haatan waxa isha lagu hayaa natiijada doorashooyinka kasoo bixi doonta, gaar ahaan kuwa madaxtinimada oo lagu wado in maanta oo isniin ah lagu dhawaaqo.

NAY

Xarunta guud ee la isugu geynayo codadka oo ku taalla magaalada Abuja ayaa haatan waxa soo gaaraya codadkii laga soo gudbiyay gobollada dalka Nigeria oo dhan.

Sidoo kale, guddiga doorashada ayaa sheegay inuu baarayo sababihii ay u shaqeyn waayeen qaar ka mid ah qalabkii lagu codaynayay doorashooyinka, taasoo dib u dhac ka dhashay ay sababtay in maalin kale lagu daro cod-bixinta.

NAYJ

Waxaa aad loo amaanay qaabka ay u dhacday doorashada iyo sida ay dadka reer Nigeria codkooda u dhiibteen.

Xogahayha Guud ee QM Banki Moon, Midowga Afrika iyo waddamada ururka goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaana ka mid ahaa dhinacyada u soo jeediyay ammaanka dalka Nigeria

Ururka ECOWAS ayaa ugu baaqay masharraxiinta inay deggenaasho dheeri ah muujiyaan haddii ay dhacdo inay ka shakiyaan natiijadana ay codeynta; isla markaana ay cabashooyin-kooda giijiyaan intii ay rabshado sameyn lahaayeen.

1000

Xaaladda ayaa aad uga duwan sidii la maleynayay, lama sheegin dhacdooyin amni-darro ah oo saamayn ballaaran ku keeni kara doorashada. Inta badan dadka waxay isha iyo dhagtuba ku hayaan telefishenada iyo idaacadaha si aysan u seegin natiijada.

Waddooyinka magaalada Abuja weli waa kuwa maran; inkastoo ciidamada boolisku dalkaas ay qaadeen xayiraadii dhinaca isu socdkaa ee la soo rogay maalintii codbixinta; waxaana hubaal ah in laga wada dhawraya sida ay u dhaqmaan musharaxiinta marka lagu dhawaaqo natiijada.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here