Nala Daawo Curashada Caashaqa Abwaan Xarrago iyo Heesta Cusub ee uu Xaaskiisa u Tiriyey ee “CAYNI”

0
951

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Hees cusub oo ka curatay Jacayl dhab ah oo guulaystay iyo Curashada Abwaan Maxamed Siciid Cabdillaahi oo isagu hal-abuuray Heestan, isla markaana ay tahay Heestiisii ugu horreysay ee uu ku daah-furay Suugaanta iyo hal-abuurnimada Maskaxdiisa ku duugnayd.

Maxamed-Xarrago waxa uu ka mid yahay Suxufiyiinta reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxaanu Heestan cusub oo la yidhaahdo Cayni u sameeyey Xaaskiiska Cayni Aadan Cali. Xarrago waa Tifaftiraha iyo Mulkiilaha Shabakadda Berberanews, balse hadda waxa uu noqday Abwaan ka soo dhex muuqday Kooxda Xiddiga Geeska.

Heestan uu Curiyey Abwaan Maxamed-Xarrago oo ah hees aad u macaan, isla markaana ahayd Heesta ku cusbayd Barnaamijka Bandhigga Xiddigaha Geeska ee Ciidda ee Talefeshinka Qaranka Somaliland ka baxay Habeenkii Ciidda ee xalay, iyadoo si weyn loo jeclaystay Heestan uu Abwaan Xarrago ku furfuray Hal-abuurnimadiisa.

Haddaba, yaanu hadalku ila dheeraan ee aan u kala baxo Daawadayaasha Sharafta Mudan iyo Heesta cusub ee Cayni: Halkan hoose nagala Daawo Muuqaalka Heestan Cajiibka ah.

 

HALKAN KA DAAWO HEESTA

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here