“Nabadii Somaliland oo dhami isugu timid cidii isku dayda in ay waxyeesho gacan Birr ah oo dawladeed ayaa wax lagaga qabanayaa”…

0
849

Ceerigaabo (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dilka hal qof oo xalay ka dhacay degaanka Dararweyne ee degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag dilkaasi oo la xidhiidhay aanno qabiil.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi,  oo safar shaqo ku maraya gobolka Sanaag ayaa nidar ku maray in gacan Birra oo dawladnimo wax lagaga qabanayo kuwa ka danbeeyay dilkaasi.

Maxamed Xaaji Aadam, ayaa ugu horayn waxa uu tacsi u diray eheladda marxuumka geeriyooday. “Waxaan halkan tacsi uga dirayaa, geerida marxuumkii xalay dhacday. Waxaanan ILLAAHAY SWT uga baryayaa marxuumka geeriyooday in uu naxariistii janno ka waraabiyo”ayuu yidhi wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.

Geesta kale Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa fariin u diray masuuliyiinta  iyo ciidamada degaankaasi oo uu ugu baaqay in ay ka hawl galaan sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiig laha dilka gaystay.

Waxaanu wax aan la qabali Karin ku tilmaamay cida isku dayday in ay waxyeelayso nabadii beelaha degaankaasi oo Somaliland oo dhan ka qayb qaadatay.

“Waxaan fariin u dirayaa, masuuliyiinta iyo ciidamadda qaranka ee goobtaasi in gacan ku dhiig lahaasi lagu soo qabto sida ugu dhakhsaha badan leh.

Nabadii salka loo dhigay, ee Somaliland oo dhami isugu timid, ee aanay u kala hadhin, cidii maanta isku dayday in ay waxyeesho suurtoobi mayso. Gacan Birr ah, gacan dawladeed, gacan shacab, baa wax lagaga qabanayaa”ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadam.

Degaanka Dararweyne ee xalay dilku ka dhacay ayaa dhawr bilood ka hor waxaa lagu gabagabeeyay colaad beeleed muddo halkaas ka taagnayd, iyadoo deminta colaadaasi ay si mug leg uga wada qayb qaateen culimadda, madax dhaqameedka iyo xukuumadda Somaliland.

Marxuumka  xalay lagu dilay degaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa  magaciisa la odhan jiray Saleebaan Xuseen Maxamed.

 

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here