Muwaadin Reer Djibouti Ah Oo Mar Kale Ka Waramay Cadaalad Darooyin Uu Kala Kulmay Maxkamadaha Somaliland Iyo Cadaymo La Xidhiidha Cabashadiisa Oo Uu Soo Bandhigay.

0
1817

“Aniga Oo Ku Hadlaya Magaca Dawlada jabuuti iyo Muwaadinka Aan matalayo, Waxaan si Deg Deg ah idiinkaa Codsanayaa in Jawaab Sharci laga helo Ismarkaana Hantida Maguurtada ah Si Deg Deg ah Loogu soo Celiyo Gacanta  Dadka leh”Safiirka Dalka Jabuuti Ufadhiya Somaliland Oo qoraal wasaarada Arimada Dibada Jsl Uga Soo gudbiyay kiiska hanta maguurto ah oo lagu Haysto Qoyska Ilma Cabdilaahi Nuur,

Hargeysa, (HargeisaPress) — Muwadin Naasir Cabdilaahi Nuur  Ayaa Cabashooyin Xoogan ka muujiyay  Dawlada hoose ee Caasimada Hargaysa oo uu Hore U soo Bandhigay Talaabooyin Sharciga baalmarsan oo ay Mulkiyado Khaldan ugu samesteen Dad kiro ugu jiray guryo ay ku leeyihiin Caasimada Hargaysa Sidoo kale  Mr Naasir oo ku hadlaya Qoyska Ilma  Cabdilaahi Nuue ayaa soo bandhigay  Talaabooyin Sharciga Baalmarsan oo iyana ay kula kaceen garsoorka Somaliland  kaasi oo uu warbaahinta usoo gudbiyay  cadaymaha iyo waxyaabaha uu kala kulmay Gudoomiyaha Maxkmada sare Ee Jsl iyo sidoo kale maxkamada degmada ilaa Racfaanka iyagoo sida uu sheegay   marin habaabiyeen Dacwadiisii iyo  Hantida Ma Guurtada ah Ee ay ku Leeyihiin magaalada Hargaysa.

qoyska ilma

Muwaadinkan Reer Jabuuti oo Arimahasi ka Hadlaya ayaa Wuxu yidhi. “Cadaalad Darooyinka nagu dhacay Ee Aanu kala kulanay Garsoorka Somaliland waxaa kamid ah anagoo maxkamada  degmada ay nooga socoto kiis dhaxal ah oo ay qoyskayaga ka dhexeeyay isla markaana ay maxkamada degmadu xukuntay in aan qof ama laba iibin Karin guri ka mid ah guryaha aanu qoys ahaan ku leenahay, ayaa waxa mucjiso nagu noqotay in nin maxkamada racfaanka iska tagay isagoon ka mid ahayn xataa qoyskan dhaxalku ka dhexeeyo waxaana la yidhi waa soo dhex gale kaasi oo maxkamadii si sharciga baalmaransan ugu xukuntay guri uu leeyahay waalayga iibiiyay”

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi,

“Nasiib daro waxaanu isnidhi bal gudoomiyaha maxkamada sare  ula taga dhacdadan idin  kala kulantay maxkamadihii Somaliland, balse rajadii aan ka qabnay gudoomiye Aadan Xaaji Cali May dhicin ee waxaa halkii kasii socotay sharcidaradii hantidayada lagu minguurinayay waxay qaateen Garsoorayaashii maxkamadu laaluush, iyagoo qaar kamid ahi aniga igu yidhaahdeen hadii aad lacagta intaa leeg bixiso anaga ayaa wax kuu qaban, ayuu yidhi dhibane Naasir”.

Dhanka kale muwaadinkan reer jabuuti ayaa soo bandhigay Qoraalo culus oo ay dacwadiisa ka gudbiyeen gudiga Garsoorka Ee Golaha Wakiilada. Iyo Safiirka Dalka jabuuti U fadhiya Somaliland Ayaa Taariikhdu markay ahayd 09/04/2017 qoraal uu wasaarada arimada dibada ku socodsiiyay ku sheegay in  ay xukumada Somaliland  wax kaqabato cabashada sharcidarada   la gula kacay Hantida muwaadin u dhashay dalka jabuuti.

warqada safiira ee dacwada naasir 2

HALKAN KA EEG QORAALKA AY KA QOREEN DACWADAN GUDIGA GOLAHA WAKIILADA EE ARIMAHA GARSOORKU;

qoraalka xildhiban cilmi rooble 2

qoraalka xildhiban cilmi rooble

 

Halkan kaga Bogo sida ay dhaceen xukunadaasi Ay ku kaceen maxkamadaha kala duwan Ee Somaliland,

warqada xukuna degmada ee ilma cabdilaahi 1

RACFAANKA 1RACFAANKA 2

MAXKMADA SARE 1

 

MAXKAMADA SARE 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here