Musuqmaasuqii Dhacay 2016: Wadarta Lacagta La Lunsaday, Masuuliyiinta La Magacaabay Oo Ay Ka Mid Yihiin Cali Marreexaan, Axmed Xaaji Daahir Iyo Shirkado

0
704

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa soo bandhigtay natiijada baadhitaanno ay ku sameeyeen lunsiga hantida qaranka, gaar ahaan halka ay ku dambeeyeen kharashaadkii ku jiray miisaaniyadda qaranka ee sannadkii 2016 kaas oo uu xilka hayey madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wadarta lacagta ay guddigu sheegtay in la lunsaday sanadkaas waxa ay  ka badan tahay 11 milyan iyo 709 kun oo dollar.

Guddoomiyaha guddida xildhibaan Naasir Cali shire oo shalay warbaahinta u soo bandhigay natiijadan ay baadhistaan ku gaadheen, oo ay ka mid tahay lacago aad u tiro badan oo la lunsaday, sababihii iyo siyaabihii loo lunsaday iyo sida oo kale shakhsiyaadkii ku lug lahaa lunsigaas.

In kasta oo muddo dheer xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland lagu eedeeyey musuqmaasuq, haddana markan waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysa ee guddi rasmi ah oo baarlamanaan ay bannaanka soo dhigto musuqmaasuq iyo madmadow dhaqaale oo xukuumadi gashay.

Xildhibaan Naasir oo arrintas ka hadlay ayaa yidhi, “Gudidu hawl adag ayay gashay waxaanay gudidani si mug leh uga fiirsatay aad iyo aadna u baadhay oo ay golaha warbixin buuxda soo hordhigaysaa oo ku saabsan xisaab xidhkii 2016-ka, meelaha ugu muhiimsan ee runtii aanu ku guulaysanay inaanu wax ka eegno waxay ahayd, madaxyo gaar ahaa oo muujinayay in aad iyo aad loo buuxiyay.

Dhismayaasha 

lacata ugu badan waxa la galiyay dhisamayaasha oo marka la dhugto xisaab xidhka waxa la galiyay dhismayaasha 7.5 milyan doolar. hadaad eegto lacagta ku baxday garoonka kubada cagta ee Shulaac  waa 194 kun oo doolar,dhulka waxa ku deeqay reer Shulaac lacagta intaas leegna maanta wax dhisme ah kama socdo, markaas waa arin u baahan in aad loo dhugto, waxa lacagtaas loo dhiibay Nimcaan Cabdi iyo shirkada Dhidar ee dhismaha. dhismaha dayrka garoonka Wajaale waanu soo eegnay dadku waxay noo sheegeen in dayrkaas ay dawladu u timi isaga oo dhamaad ku dhaw dabadeedna intii ka dhinayd ay dhamays tirtay halkana waxa ugu qoran in lagu kharash gareeyay 47 kun oo doolar,dhismaha Jeelka Boorama waxa dhistay shirkada dhismaha ee Dhidar waxay qaadatay 200 oo kun oo doolar Jeelkaas isagana lama dhamays tirin waa qabyo,dhisme loo dhisay wasaarada hawlah guud ee gobalka Togdheer waxa dhistay shirkada dhismaha ee Barako waxa ku baxday 175 kun oo doolar lacagtaasna meeshaasi waxa laga dhisay uma qalanto.

Dhismaha dugsiga xirfadlayaasha ee Buuhoodle ma jiro waxaana ku baxay 20 kun oo doolar,daymaha qaranka waxa lagu kharash gareeyay 1.6 milayna doolar, wasaarad kasta waxa la siiyay miisaaniyad qaran waxa loogu talogalay inay wasaarada ama haayadu isku filnaysnaysiiso sanadkaas miisaaniyada ay qaadatay, hasa yeeshee waxa noo soo baxday inay daymo qortaan waa nalagu leeyahay  oo daymii laga bixiyo, iyada oo aan lagu xidhin waxay u isticmaali waayeen lacagii miisaaniyada ee la siiyay. Waxa ka mid ah meelaha aanu dayntaas ku soo aragnay wax loo iibiyay ciidanka qaranka oo la siiyay Yuusuf Cali Cismaan oo shaqsi ah waana 20 kun oo doolar,dayn lagu lahaa wasaarada biyaha, kharash ka dhashay markab shidaal oo la celiyay oo la siyay Cali Ibraahin Ciise 6 kun oo doolar iyo gudida doorashooyinka qaranka oo la siiyay 179 kun oo doolar oo daymo ay galeen ah, ka gudi ahaan waxa noo soo baxday in aan loo baahnayan in qarankani uu daymahaas galo ee loo baahan yahay in cid kasta inay ku filnaato waxii miisaaniyada qaranka looga qoondeeyay.

Iibsiga Hantida Raagta 

Waxa lagu kharash gareeyay 4.8 milayan oo doolar, hantida raagta hadaad maqasho waa qalabka xafiisyada ee wasaaraduu leeyihiin, wasaarada xanaanada xoolahu waxa ay iibsatay shaybaadh, shaybaadhakaas waanu soo waynay 14 kun oo doolar ayaa ku baxday,shaybaadh kale  dhawrista tayada ah waxa ku baxday 100 kun oo doolar kaasna waxa nala tusay hadaad aragtaan waad yaabi lahaydeen,waxa ugu cajiibsan dhigista rooga ee garoonka  Boorama waxa qaaday Axmed Xaaji Daahir wax aku baxay 88 kun oo doolar, roogaasina uma qalmo qiimaha intaas leeg, waxa ku xiga rooga garoonka Burco waanu tagnay oo roog yaalaa ma jiro waxa lacagtaas qaaday Cabdiraxmaan Xasan Diiriye 88’800 doolar.

Jeelka Burco

Sidaan carabka ku dhuftay shikrada dhismaha ee Baraka waxay noo cadaysay inay dawlada kula heshiisay 1.5 milayan oo doolar dhismaha jeelka Burco, waxa miisaaniyadii 2016-ka ugu jiray 180 kun oo doolar,waxay noo sheegeen inay shirkada Dahabshiil ay siisay 540 kun oo doolar oo ka timi wasiirka hawlaha guud, waxaanu helnay in laynka booliska la siiyay 920 kun oo doolar wasiirka ayaa bixiyay qiimo dhisimis 300 oo kun oo doolar ah, waxa soo hadhaysay 620 kun oo doolar halka ay ka ahayd in lacagta lagu wareejiyo Al-barako waxa lagu wareejiyay 540 kun oo doolar oo kaliyaata, halkaas waxa ka maqan 380 kun oo doolar,wali waa qabyo jeelka Burco xisaab xidhkii 2017-kana ma hayno, marka ay timaado ayaan arkaynaa waxa ugu jiray.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here