Musuqmaasuqa Qarsoon Ee Wasiirka Macdantu Ku Lunsanayo Milaayiin Doollar Oo Shirkadaha Shidaal-Baadhistu Ugu Talogaleen In Lagu Wacyi-galiyo Bulshada S/Land Iyo Mooganaanta Shacbiga!!

0
885

Hargeysa, (HargeisaPress) — Sida laga warqabo waxa muddooyinkii ugu danbeeyay hadal-haynta warbaahinta si xooga ugu soo badanayey iibka hay’addaha warbaahineed oo ay iibsanayaan Wasiiradda beesha Madaxwayne Siilaanyo qaar ka mid ah oo u xuubsiibtay sidii ay dedaal-midaysan ugu qaadi lahaayeen warbaahinta dalka, kuwaas oo u arka inay dagaal la gali karaan hay’adaha warbaahinta ee ka qotodheer  xililka ay hayaan muddooyinka sanadaha ah, kaas oo leh meel uu ku dhamaado.

Wasiirka Macdanta iyoTamarta  Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sameeyey isku dayo muddo dhawr jeer ah uu ku doonayey inuu u adeegsado Warbaahinta dalka danihiisa gaarka, musuqmaasuqa iyo lunsiga  hantida Qaranka ee uu habeen iyo maalin dhexdabaalanayo, kaas   sida aynu xaga sare ku xusnay marar badan isku dayey inuu ka Iibsado MulkiilayaashaTelefishanka ugu guunsan Somaliland ee Somaliland Space Channel  (SLSCH).

Wasiirka Macdanta ayaa dirsaday dilaaliin kala duwan, suxufiyiin iyo ganacsato ayaa ku guuldaraystay Iibka Telefishanka Somaliland Space Channel, iyadoo isku daygaasi uu u cuntami waayey mulkiiliyaasha Teleshannkaasi inay wasiirkaasi ka siiyaan Hal milyan iyo Laba boqol oo kun oo dollar ($ 1200,000,000), kuwaas oo isku diidey lacagtaasi Mulkiilaha ugu sheerka badan Somaliland Space Channel, kaas oo magaciisa la yidhaahdo Xaaji Cumar oo ku nool dalka Qatar oo muddoyinkii ugu danbeeyay deganaa. Balse Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo arintaasi sii daba socda ayaa si uu xod-xoto mulkiilaha TV-gaasi balanqaaday inuu la shaqaynayo kana bixinayoTelefishankaasi dhaqaalaha kooban ee kirooyinka, Laydhka iyo waxyaabaha la midka ah si ay u sii wada-shaqeeyaan.

Sidoo kale damacaasi ku dhicisoobay Wasiirka ayaa waxa uu galiyey inuu majeerto Warbaahinta kala duwan oo si gaar ah ugu shaqaysa, iyadoo ujeedada ugu wayn ee uu ka leeyahay hawshaasina ay tahay Wacyiglinta balaadhan ee uu ka helayo shirkadaha ajanabiga ah ee maalgashanaya dalka sida kuwa shidaan sahaminta la filayo inay ka bilaabaan Somaliland, iyadoo uu isku qanciyey inuu ku helo Milaayiin doollar oo ka soo gasha wacyigalin shidaal shaminta, kuwaas oo uu ku doonayey  inuu kulunsado ama ku lunsado hantida Qaranka ee dalka iyo Shirkadaha lacagta bixiya.

Iyadoo ay sidaasi tahay ayuu Wasiir Xuseen u xuub-siibtay isagoo kaashanaya warbaahinta maxaliga ah iyo dhaqaalaha uu ka helay Shirakadaha shidaalka inuu mar labaad isku dayo inuu IibsadoTilifishanka ROYAL TV oo lagu eedaynayey inay hawshasi wadagaleen Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno qoyska Madaxtooyadda ka mid ah. Iibka Telefishankan ayaa daaha ka faydmay ka dib markii shirar hoose oo ay lahayeen ay ka war heleen Warbaahinta kala duwan ee dalku, waxaana lacagta lagu iibsaday lagu tilmaamay inay kor u dhafayso $600,000 taasi oo dhamaanteed ah Lacag Qaranku wada lahaa ee uu ka musuqmasuqay. Iyadoo uu ilaa haatan ku gudo-jiro iibka dhamstirka lacagaha uu ku qaadanayo wacyigalinta shidaalka ee dhan Milaayiinka doollar ee xukuumadda Siilaanyo-na iska indho-tirayso.

Iibka ROYAL TV  ayey xaqiiqo marag ma doonto ah waxa u ah Maamulka Telefishankaas oo ay la wareegeen laba masuul oo uu ugu horeeyo Siciid Sheekeeye oo ah Wasiirka Macdanta seedigii oo ka yimid magaaladda London ee xarunta dalka Britain oo kaasi haatan maamul guud uga ah Somaliland Telefishankan oo haatan la wareegay, kalana wareegay Yaxye Sheekh Ismaciil oo hore u ahaa  maamulka ROYAL TV, balse markii la Iibsaday sheerkiisa 60%   uu Mr Sheekeey kala wareegey. Sidoo kalena waxa loogu talogalay in dhamaan lacagaha Share-ka ah ee lagu Iibsaday laga soo saaro Telefisanka muddada kooban ee xukuumadda Siilaanyo u hadhay si aanay wax carqalad ah ugala kulmin cida ka danbaysa, waxaana Imika kalsoonidii ROYAL  TV kala noqday sida ay sheegeen warar xogogaal ahi Xisbiyadda Qaranka iyo dadwayanaha.

Lasoco Qaybta 2-aad.

1-       Waa Kuma Maamulaha cusub ee ROYAL TV mr Siciid Shekeeye oo ah Wasiirka Macdanta iyo Tamarta seedigii.

2-       Xaddiga Lacagaha kasoo xerooday ilaa imika wacyigalinta shirkadaha shidaal sahaminta ee uu qaatay.

3-        Wasiiradda Isku beesha ah sida ay iskugu adeegsan doonaan Warbaahinta oo isla iyaga dhexdooda dagaal hoose iyo xurguf soo jiitamaysay ka dhaxayso oo ku kala faa’idaysanaya warbahinta ay iibsadeen.

4-        Kaalinta uu ku leeyahay Wasiirka Duulista iyo Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here