Musuqa Ilig iyo Mooganaanta Mulkiilaha HCTV W.Q Kaptanka Q1aad

0
964
Hctv Waa mid ka mida TVyada Afsomaliga ku hadla kuwa ugu Caansan Dadkuna aad u Jecelyihiin hadaba waxaa Tvga agaasime looga dhigay nin aqoonta iyo dadnimada iyo diintuba ku yartahay shaqsi Tvga ku haya dhib aad u badan isagoo aad moodo inuu ugu talo galay inuu Tvga caanka dadka nacsiiyo isagoo qaab aan wanaagsanayn ula dhaqma shaqalaha ka hawl gala tvga HCTV taasina waxaa tusaale kugu filan inay meesha uga yaacaan inbadan oo ka mida wariyayaashii caanka ahaa ee aadka loo jecla oo imika tvyada kale ka howlgala inta badana agaasime Ilig uga tagay Tvga amar ku taaglayntiisa magacyada wariya yaasha uga tagay tvga HCTV Agaasime Ilig Awgii waxaan ku sheegi doona magacyadooda qoraalada danbe.
Agaasimaha HCTV Maxamed Abdi Ilig aya waxa uu kala jeclaystaa xisbiyada qaranka isagoo qaarna la safan qaarna kasoo horjeeda oo wararkooda iyo barnaamij yadoodaba hoosta dhiga waxaana ka mida kuwa uu neceb yahay xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID oo horena uga cawday warsaxaafadeed uu soo saaray Yusuf Kayse xoghayaha Warfaafinta, Agaasimaha Waxaa uu si toosa ugu shaqeeya oo mushahar uga qaata Madaxtooyada Somaliland waxa uu si gaara ula shaqeeya wasiirka Warfaafinta Mr Cukuse oo marku doono si farsamaysan ugu shaqaysta Agaasimahan Tvga Tusaale waxa kuugu hayaa inuu agaasimihu si gaara ugu shaqeeyo Madaxtooyada Doodaha uu qabto oo ay ugu danbaysay tii wiigan laga doodayay qodabadii Maxkamada Dastuuriga ahaa isagaaba la doodayay masuuliyiintii u hadlaysay mucaaridka Rayte oo Waddani ka tirsan aya ku yidhi markuu ka yaabay waar ma adiga ayaaa nala doodaya mise dhexbaad ka tahay dooda.
Agaasimaha Tvga HCTV Mr Ilig waxaa tusaale kugu filan inuu asxaabta qaranka kala dhawaysto doodii ugu danbaysa waxa doodayay labada xisbiga qaran ee Kulmiye iyo Waddani oo ay ukala hadlayeen Mr J.Shabeel iyo Xil. Rayte halka uu masuulkii ka socday XIsbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID ee dooda uga qayb gali lahaa uu kadinka xarunta tvga uu Ilig ka celiyey isagoo u sheegay inaanu UCID inaanu cid uga baahnayn isagoo markii horena soo codsaday in masuul dooda losoo diro markii uu arkayna si fool xun oo anshaxa saxaafada ka baxsan ula dhaqmay bartiina uu masuulkii kasoo laabtay….. lasoco qaybaha danbe ee qoraaladan taxanaha ah ee aan kaga hadli doono Mr Ilig iyo guul wadayntiisa
Allaa Mahad leh
Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here