Mustafe Sheekh Cumar Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Kumeelgaadhka ah ee Ururka Suxufiyiinta Solja iyo Suxufiyiinta Somaliland Oo Soo Dhaweeyay

0
1273

Mustafe Sheekh CumarHargeysa,(HargeisaPress) — Xubnaha Gudida Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee(Solja),ayaa kulan ay maanta u qabteen Warbaahinta Xilkii Gudoomiyanimo ee ururkaasi kaga qaadey Gudoomiyihii Ururka Solja Xasan Maxamed Yuusuf,oo sida ay sheegeen Xubnaha Gudidu ku dhaqaaqey nidaam wadatashi la,aan ah  waxaanay halkaasi ka cadeeyeen in ay si kumeel gaadh ah xilkii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ugu wareejiyeen Mustafe Sheekh Cumar,oo xubin ka ah xubnaha Gudida fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Kulankan oo ay maanta wadajir ugu qabteen Magaalada Hargeysa,waxa goob joog ka ahaa dhamaanba Xubnaha Gudida Fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo ay hogaaminayaan Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee(Solja) Maxamed Rashiid Maxamed Faarax,waxaanay halkaasi kusoo bandhigeen Qodobo door ah oo ay ku dhaliilayaanGudoomiyihii hore ee Ururka Suxufiyiinta Solja Xasan Maxamed Yuusuf islamarkaana, waxey si ku meel gaadh ah ugu wareejiyeen in uu Gudoomiye kasii ahaado Ururka Solja ee Suxufiyiinta Somaliland Mustafe Sheekh Cumar Geedi iyagoo dhinaca kalena, dhaliilo kooban usoo jeediyay Ururka Sonsaf oo ay ku dhaliileen in ay warbaahinta ku baahiyeen khilaaf aan jirin oo ay dhinacooda dab kaga hurinayaan sida ay qoraal uu akhriyay Gudoomiye Kuxigeenka Ururka Solja Maxamed Curad ku sheegay qoraakaasi, guud ahaana waxey u cuskadeen Gudoomiyihii hore Xasan Maxamed Yuusuf sida uu dhigayo Xeerka Ururka Solja, oo uu qaarkoodna isticmaalay hasdeyeeshee, dhamaantood baal marety.

Gabagabadii Xubnaha Ururka Suxufiyiinta Solja gaar ahaana Xubnaha Gudida Fulinta ururkaasi, ee ka koobnaa sagaalka xubnood waxey digniin usoo jeediyeen,in aanay xubnaha uu kalidii magacaabay Xasan Maxamed Yuusuf ee Gudida qabanqaabada uu ku sheegay sida ay hadalkooda u dhigeen aanay ku dhaqmi karin wax talaabo ah islamarkaana, ay ka dhursugi doonaan waxa Ururweynuhu wadajir usoo saari doono wakhtiyada soo Socda.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja,ayaa sida ay wararku tibaaxeen Maalmihii u dambeeyay, faraha lala soo galey taas,oo ay dabada ka wadaan faragalintaasi Wasiiro katirsan Xukuumada Siilaanyo, iyadoo loo wada dhegtaagayo talaabooyin ay siweyn uha biyo diidasn yihiin Bahda Warbaahinta Somaliland in shakhsiyaad ku cusub mihnada oo qaarkood dhawaan Xukuumadu u sameysay joornaalo, islamarkaana aan wax sooyaal ah habayraatee ku laheyn Saxaafada Somaliland,waxaanay xubno badani balanqaadeen oo kamid ah Ururkan Solja, in ay kaga jawaabi doonaan,waxaan hore loogu arag anshaxa Saxaafada hadii shakhsiyaadka qaarkood Xukuumada Somaliland Wasiiradeedu badhkood nidaam qavbali ah ugu soo cumaamadaan rag aan sooyaal ku laheyn Mihnada Saxaafada Somaliland qaarkoodna sida la Sheegay ay wataan Wasiirada ugu qabyaalad badan Golaha Xukuumada Siilaanyo.

Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here