Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Cashuur Laga Qaadayo Rakaabka Madaarada Somaliland Ka Dhoofaya

0
938

Jamaal CaliHargeysa,(HargeisaPress) — Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa sharci daro ku tilmaamay Cashuuraha Madaarada Hargeysa lagaga qaadayo dadka gaar ahaana farriin Telefoonka uu ku soo diray Maamulka Madaarka Hargeysa oo sheegaysay in dadku ku soo talo galo bixinta Cashuur dhan $45 Doolar.

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu tilmaamay inay u muuqato inaan wasiirada cidna la xisaabtamin islamarkaana ay kala dambeyntii luntay.

“Wixii cashuur ah ee bilaa sharci ah waa in dadweynuhu diido, dadkuna waa inay sharciga bartaan, wixii aan sharci u xalaalayna inay bixiyaan maaha. Haddii cashuuraha la mariyo Golaha Wakiillada oo ay ansixiyaan waa sharci in la bixiyo ay tahay, laakiin haddii aan la soo marin waa wax sharci-darro ah, dalkana waxa jooga wasiirro waxa ay doonaan iska samaynaya oo cid la xisaabtantaa aanay jirin. Cashuur ay doonaan ayey iska kordhinayaan, waxaanad mooddaa in nidaamka kala dambayntii lumay.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa oo sii hadlaya ayaa yidhi “Dawladdu haddii shuruucda ay ku fadhido ee dawladda ku tahay ku tumato ama ku dhaqmi waydo waa ayaan-darro, cashuurtan la soo saaray ee farriimaha telefoonka lagu soo diray wax la aqbali maro ma aha, waana in Golaha Wakiillada la mariyo, ilaa hadda ma ogi in arrinaasi ansax tahay iyo in kale, laakiin waxaan Golaha Wakiillada leeyahay waa inay daba-gal ku sameeyaan waxyaabaha shaqadooda ah ee ragga wasiirrada ah iska samaysanayaan oo shaqooda qabsadaan.”

Hadalka  Jamaal Cali Xuseen ayaa ka dambeeyay farriin Maamulka Madaarka Hargeysa soo diray 14-kii bishan, taasi oo uu ku sheegay in Dadka da’doodu ka wayn tahay 15 jir ee ka dhoofaya madaaradu ku soo tala galaan Cashuur dhan $43, halka kuwa da’doodu ka yartahay intaasina ay bixinayaan $10.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here