Murrashaxa KULMIYE iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Lagu soo Dhaweeyey Degmada Laaso-dacawo + SAWIRRO

0
1847

Laaso-dacawo, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey degmada Laaso-dacawo ee Gobolka Saaxil iyo deegaanno hoos yimaada.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka kooban saraakiil xisbiga ka tirsan, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin culus oo ay ka mid yihiin; Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cali Maxamed Warancadde, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) iyo xubno kale, salaadiin, cuqaal, haween iyo masuuliyiin kale oo safar la xidhiidha hawlo shaqo ugu baxay gobollada bari ee Somaliland maanta, ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan deegaannada Taagga, Bureeqa iyo laaso-dacawo iyada oo kumanaan bulshada ku dhaqan deegaannadaasina caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyeen weftiga.

Hormoodka deegaannada Taagga, Bureeqa iyo Laasa-dacawo oo ka tirsan degmada Laasa-dacawo, ayaa hadallo soo dhawayn iyo warbixin guud oo ku saabsan xaaladda deegaanadaas u jeediyey Guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxaanay shaaca ka qaadeen in shacabka deegaannadani si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxa ay soo indho-indheeyeen baaro masno ah oo lagu beeray noocyada kala duwan ee khudaartu, kuwaas oo ay dadweynaha deegaanku tacab badan geliyeen, waxana uu indhihiisa kusoo arkay khudaar badan oo beerahaas kasoo go’day oo diyaar u ah inay intifaacsadaan dhammaanba dadweynaha reer Somaliland.

Weftiga guddoomiyaha, ayaa loo gelbiyey dhinaca magaalada Laasa-dacawo oo ay kusoo dhaweeyeen mawjado dadweyne ah oo halkaas diyaar ugu ahaa soo dhaweynta weftiga, iyada oo markii dambena goob fagaare ah lagala hadlay dadweynihii halkaas isugu yimi oo dhammaantood ka sinnaa taageerada guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Salaadiin, cuqaal, haween iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in dadweynaha degmada Laasa-dacawo iyo deegaannada hoos yimaaddaaba si buuxda u taageersan yihiin guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana codkooda u huri doonaan waqtiga la gaadho maalinta doorashada madaxtinimada.

Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Cali Maxamed Warancadde, Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey), Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Laasa-dacawo uga mahadceliyey sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay usoo dhaweeyeen guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay codkooda la ogaadaan guddoomiye Muuse Biixi Cabdi xilliga codaynta.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayn dadweynaha reer Laasa-dacawo hadal u jeediyey, ayaa u mahadnaqay, waxana uu ku ammaanay dedaalka dhinaca beeraha ee ay ku tallaabsadeen.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxa ay dadweynaha degmada Laasa-dacawo la qaateen hadhimo-sharafeed si maamuus sare leh loogu casuumay, waxaanay hadhimada dusheeda lagu wadaagay kaftan iyo is xog-waraysi dhexmaray xubnihii madasha ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here