Muran Ka Dhex Taagan Kaatoligga, Kaddib Markii Baadariga Ugu Sarreeyaa Beeniyey Jiritaanka Ciqaabta Jahannama

0
1515

Rooma,(HargeisaPress) — Hadallo ka soo yeedhay baadariga ugu sarreeya mad-habta Kaatoligga ee Masiixiyiinta ayaa muran iyo doodo aad u kulul ka dhex abuuray xarunta looga taliyo mad-habtaas ee Vatican. Hadalladan baadariga oo ay wadaaddo badan oo masiixiyiin ahi ku tilmaameen fadeexad weyn, ayaa yimi markii uu dhowaan, Boob Faransis waraysi uu siiyey wargeyska Le Republica ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, uu ku dafiray jiritaanka cadaabta jahannaba, oo ay qirsan yihiin guud ahaan dadka aaminsan diimaha samaawiga ah ee dunidu.

Wadaadka oo hadalladan ku yidhi, Eurgeino Scalfari oo ah mulkiilaha wargeyska warkan faafiyey ee The Repubblica, ayaa ereyadiisa sida gaarka ah uga yaabiyey rayulcaamka Kaatoligga dunida, iyo wadaaddada sare ee Kaniisadda Kaatoligga,  waxaa ka mid ah, kuwa uu ku sheegay in nafaha dembiga gala, aan Alle ciqaabayn, balse la tirtirayo uun oo marka ay dhintaan aanay iyagu ka mid noqonayn dadka inta ay dib u soo noolaadaan Alle abaal mariyo, taas oo macnaheedu yahay in dadka dembiilayaasha ahi aanay ciqaab marayn, ee aakhiro cidda isu soo hadhaysa ay yihiin oo keliya kuwa jannada gelaya. Wadaadka oo arrintan ka hadlaya ayaa waxaa hadalladiisa uu wargeysku qoray ka mid ahaa, “Jahannama ma jirto, nafaha dembiga galaana, waxa uun la tirtirayaa jiritaankiisa”

Xarunta Faatikaanka oo ku qasbanaatay in ay hadalladan ka jawaabto, kaddib markii ay buuq weyn ka dhex abuureen dadka aaminsan mad-habta Kaatoligga, ayaa soo saartay warmurtiyeed ay ku sheegayso in Boob Faraansis, markii uu hadalladan ku lahaa Scalfari in aanay niyaddiisu ahayn in uu hadal warbaahintu faafiso bixiyo, balse uu ahaa kulan shakhsi ah oo uu la qaatay saxafigan. Isaga oo intaas ku daray, in hadallada ku soo baxay wargeyska, gaar ahaan kuwa sheegaya in aanay jahannama iyo guud ahaanba cadaab aakhir jirin, in ay yihiin fasiraadda gaarka ah ee wariyuhu ka dhex fahmay hadalka baadariga, bale aanay hadallada carrabka baadariga ka soo baxay ka mid ahayn isla ereyadani.

Si kastaba ha ahaato ee aaminsanaanta baadariga ee ah jiritaan la’aanta cadaabta ayaa uu guuxeedu soo baxay sannadkii 2016 ka markii hadal uu jeediyey bishii Kow iyo tobnaad uu ku sheegay ereyo markaas hore aad loo fahmi waayey, balse si dadban u beeninaya jiritaanka cadaabta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, “Jahannama ma’aha rug la isku ciqaabo” Isaga oo macnaynaya, haddii aanay goob la isku ciqaabo ahayn waxa uu isagu ku sheegayana waxa uu ku dooday in cadaabta looga jeedo uun ruuxda dembiilaha oo Alle laga fogeynayo, “Waxa uun ay tahay Alle oo laga fogaanayo” ayaa ka mid ahaa hadalladiisa.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here