Muqdisho oo lagu qabtay Bandhig-faneed Muujinaya Xidhiidhka Somalia iyo Italy + SAWIRRO

0
885

Muqdisho, (HargeisaPress) — Bandhig faneed lagu muujiyay xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa xalay lagu qabtay Muqdisho, kaas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Talyaaniga iyo marti-sharaf kale.

DSC07214

Mas’uuliyiintii ka qaybgalay bandhiggan ayaa waxaa ka mid aha wasiir-u-dowladaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza, iyadoo bandhiggan oo ah kii ugu horreeyay muddo 24-sano ah lagu qabto Muqdisho ayna ka heesaan fannaaniin isugu jira Soomaali iyo Talyaani.

Bandhig-faneedkan ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed oo ay ka dhex-muuqdeen, Shimaali Axmed Shimaali iyo Nimco Xasan ay ka qaadeen munaasabadda heeso waddani u badnaa, waxaa iyaguna ka heestay, Monica Cerri oo Talyaani ah, iyadoo soo bandhigtay heeso kala duwan.

DSC07222

Gabagabadii bandhigga ayaa waxaa ka hadlay wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Burci Maxamed Xamza oo sheegay isku imaatinkaani uu muujinayo ifafaalaha nabadeed ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo tilmaamay in Muqdisho ay dib u gocaneyso soo ceshashada ayaamihii xusuusta lahaa ee nabadda iyo is-dhex-galka bulshada .

DSC07296

Danjire Nicholas Kay oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa xusay inay ku jirto Muqdisho maalmihii degeaanshaha, isagoo yiri. “Muddo sannado ah oo aan ka howlgalayo Somalia, waa ii farxad inaan arko xaflad faneed ay ka muuqato fanaanadda Talyaaniga ah ee Monica Cerri, waxayna bilow u tahay wanaagga cusub iyo mustaqbalka degenaashaha Soomaaliya.”

DSC07240

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, danjire Fabrizio Marcelli oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa xusay in dowladdiisu ay xoojineyso xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Somalia, wuxuuna ku daray intaas in Soomaaliya ay kasoo kabaneyso dhibaatooyinka colaadaha sokeeye iyo falalka argagaxiso ay u geysteen hannaanka dowladnimada iyo degenaashaha Soomaaliya.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here