Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Daahfurey BILE CARWASH & COFFE SHOP Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1513

HARGEISA — Munaasibad balaadhan oo casho ah ayaa xadhiga lagaga jaray Hotel Cusub oo ku soo biiray Hotel-lada Casriga ah ee magaalada Hargeysa oo dhinaca koonfureed kaga beegan KULAN hotel ee Xaffadda jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

Hotelkan cusub oo magaciisa layidha BILE CARWASH & COFFE SHOP ayaa waxa Munaasibadan furitaanka Hotel-ka oo ahayd casho waxa ka soo qayb galay xubno ka mida xukuumada Somaliland, Gudoomiyaha ururka SOLJA, Salaadiin, Haween, Ganacasato iyo qaar ka mida qurba joog.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay mulkiilaha Hotel-kan cusub ee BILE CARWASH & COFFE SHOP, Cismaan Xaaji Siciid oo ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay inay hotel-kan u fureen qurba joogta Somaliland iyo dadka degan gudaha wadankaba, waxaanu tilmaamay inuu Hotel-kani u furan yahay cid kasta taas oo lagu soo dhawayn doono Gacmo furan, waxaanu si gaara u sheegay inuu Hotel-kani leeyahay adegyo Casriya oo a ka ay ka mid yihiin CARWASH Casri ah.

Mid ka mida dadkii ka soo qayb galay munaasibadan ayaa si weyn u soo dhaweeyay furitaanka Hotel-kan? hotel-kani waa mid casri ah, waxaana hanbalyo u diraynaa mulkiilaha Hotel-kan Cismaan Xaaji Siciid, mar labaadkana waxaan leeyahay dadka reer Hargeysa inaad aad ugu farxi doontaan Hotel-kan cusub ee idinku soo biiray kaas oo adeeg fiican idin qaban doona, waana mid aad loogu baahnaa.

Qaar ka mida fanaaninta hargeysa ayaa Munaasibad ku soo bandhigay majaajilo aad uga qosliyay dadweynihii ka soo qayb galay Munaasibada.

Hotelkan cusub ee BILE CARWASH & COFFE SHOP, ayaa caasimada hargeysa ku soo kordhiyay adeeyo cusub oo ay ma mid yihiin cuntooyin casriya iyo CARWASH an hore loogu arag Magaalada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

 

LEAVE A REPLY