Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ku Taliyey In Qabashada Diwaan Galinta Codbixiyeyaasha Xoogga La Saaro

0
1043
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeisa,(HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ku taliyay in diwaan galinta doorashada wakhtigan xoogga la saaro si dalka ay doorashooyinku uga qabsoomaan. Waxa uu sheegay inaanay suuro gal ahayn in labada diwaan galinood la isku barkiyo wakhtiga oo yar awgeed

“ Marka aynu ka hadlayno diwaan gelinta madaniga ah arintu mid sahlan maaha, sidan loo dhigayana noqon mayso, waxaynu ka hadlaynaa dalkan iyo dadkii lahaa ee u dhashay ee xaqa u lahaa ee uu dastuurku siinayey xaquuqda iyo waajibaadka, marka aynu muwaadinimad ama jinsiyada ka hadlayno waxay xudun u ahayd halgankii hubaysnaa ee dib u xoraynta qaranka ee ay SNM horseedka ka ahayd,, muwaadinimada iyo jinsiyadu waxay xudun u ahayd burburkii iyo tabaalihii la yaabka lahaa ee ay dadkan iyo dalkani soo mareen.”  Ayuu yidhi Mujaahid Boobe

Boobe Yusuuf Ducaale oo ka sii hadlaya aragtidiisa waxa uu yidhi  “Diwaan gelinta codbixiyayaashu way mudaysan tahay, waxaanay ku mudaysan tahay doorashooyinka imika inagu soo socda,doorashana dhici mayso hadaan diwaan gelinta codbixiyayaashu jirin, guddidii hore ee doorashoyinku waxay inoo qabteen septenber ilaa decenber  inay diwaan gelinta codbixiyayaasha samaynayaan, xeerkuna waxa uu odhanayaa  diwaan gelinta codbixiyayaasha doorashoyinku waa inay lix bilood ka horaysaa doorashada.

Imikana lixdii bilood ayeynu ku jirnaa dabadeedna xeerkii odhanayey lixdaas bilaad ayaa imika la doonayaa in baarlamaanka la yidhaa ka dhiga lix bilood gudahood bal hada inaynu afar bilood iyo sadex bilood ku dhamayno, hadba salaada joogta ayaa la tukadaa maantana waxa taagan diwaan gelinta codbixiyayaasha xeer 37 soona baxay 2007, marna tijaabo galay iyada oo dadka la diwaan geliyey 2008 iyada oo aynu khaladaad galnay aynu ku noqon karayno, laakiin diwaan gelinta madaniga ahi  shalay way taagnayd, kal horana way taagnayd, 2010-kiina way taagnayd waligeedna way taagnaanaysaa, waxay ila tahay inaan labada diwaan gelinood inta laysku barkiyo aan laysku dilin, diwaan gelinta codbixiyayaashana  inaan la  la fool eryin  oo iyadoon wakhtigeedii gaadhin intay dhalo is  tidhaa  ay halkaas ku dhimato.”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY