Mujaahid Abiib Diiriye Nuur Oo Xaalad Caafimaad Ugu Socdaalay Dalka Hindiya + SAWIRRO

0
952

Hargeysa, (HargeisaPress) —Mujaahid Abiib Diiriye Nuur(Abiib-Timacade) Wasiirkii hore ee Warshadaha Somaliland ayaa manta dalka uga amababaxey Wadanka Hindiya halkaas oo uu u gaadhay Xaalad Caafimaad oo lasoo daristey dabayaaqadii Bishii Ramadaan si loogu soo baadho xaalada Caafimaad islamarkaana, uu isugu soo daaweeyo inta dhiman.

 

Mujaahid Abiib Diiriye Nuur(Abiib-Timacade), oo maanta ka dhoofay Madaarka Caasimada Hargeysa ee Cigaal International Airport waxa uu sheegay in xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahey illaahayna ka rajeynayo in uu Caafimaad kusoo laaban doono,waxaanu uga Mahad celiyay Bulshada Reer Somaliland intii Cusbitaalka kusoo booqatey iyo intii hawada uga ducaysayba, Guddo iyo dibaddba Qurba joogu ha u badnaadeene haday yihiin Siyaasiyiin,Madaxdhaqameed,iyo guud ahaanba shacabka Somaliland.

Abiib d

Xaalada Caafimad ee Mujaahid Abiib Diiriye Nuur Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Warshadaha ayaa, ayaa aad usoo raysay maalmhii u dambeeyay kadib markii xanuun kusoo booda ahi ku dhacey soonka dabayaaqadiisii oo Xanuunka Sonkortu xajin waayay,Waxaanu Mujaahid Abiib xilal Wasiir kasoo qabtey afartii Xukuumadood ee isaga dambeeyay talada dalka Somaliland.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here