Mudane madaxwayne noolka iga bixi : By Dayib muuse sooyaan

0
1329

maqal 4Koray oo kuray noqday wakhtiga iyo sanadaduna ha,is daba socdaan fasal ba fasal uga gudbay waanigaa uulo ilaa aan fasalka sideedaad soo xidhay.

Rabbi  wuu I abuuray (swc)waxaanan maray xaalado kala duwan kadib waan dhashay  waana la,idhawray, layna dhoodhoobay, lay dhaqaalee layna kori, jiifka iska rogay beerkana ku siqay hadana sara fadhiistay gurguurtay ,oo afarta adin dhulka saaray kadibna kacay oo lugeeyay sanado doora jiray oo kobcay dabadeedna malcaamad la,igee  oo alif ba quraan la,iiga bilaw mudo dabadeedna gacanta la,iqabay dugsigana la,isoo qor waxbarashona la,ii bilaw maskaxdayduna isku diyaarisay inay weelayso wixii la,ii dhigo iyo wixii soo raaca.

Koray oo kuray noqday wakhtiga iyo sanadaduna ha,is daba socdaan fasal ba fasal  uga gudbay waanigaa uulo ilaa aan fasalka  sideedaad soo xidhay.

Marxaladuna isbadashay oo dhalinyaro noqday waayaha iyo wadciga dalka iyo dadkuna ii iftiime dugsigii sarena bilaabay himilo iyo hiigsina yeeshay mustaqbal

qurux badanda sii ifafaaleeyay isku dayay inaan nolosha ufiirsado booska igu haboona aan ka galo balse xaaladaha wadanka ka jira awgood  ayaa idafiray. Dhalinyarada wixii sabirku ku yaraa ee dalka ka niyad jabayna dhaqaaqday oo tacabir iyo tahriiba dunida ugu kala baxday iyaga oo labada daarood ee mahuraanka ah ku kala biiray, balse anigu wali waanigan dalka ku niyadsan ee u hogaansan hadalada iyo wacyiga ku aadan tahriibka ee madaxda iyo waayeelku leeyihiin ee ah ha tahriibina wadanka aamina.Markale raadiyay fursad aan nolosha ka bilaabo dugsigii sarena dhameeyay noloshana wax badan ka fahmay fikirkaygii,himiladaydii iyo hiigsagaygiina habeeyay oo hilaadiyay mustaqbalkayga dhaw iyo kayga fogba filkay iyo bulshadana lawadaagay waayaha.

Nolosha inaan ka faa,iideeyo oo shaqo tago isku dayay, nasiib darose cidiba ima siin fursad aan ku shaqeeyo walina ma niyad jabin.

Alle ha daayee waalidkay oo aan curad u ahaa marka horebana waayuhu ku adkaa oo si fool adag wax igu soo baray oo udhabar adaygayay waxbarashadayda markale guntiga dhiisha iskaga dhige iguna dar jaamacad ana is idhi horta waxbarashada kordhiso aqoonyahana noqo markaasaad shaqo fiican heli oo aad talaabo talaabo u fulini qorshayaashaada, mustaqbalka dalkana aaminay sobobtoo ah aadbaan u jecelahay dalkayga (haybad waxaad ku leedahay dalkaaga hooyo ee hagarli,i wax ugu qabo) nasiib darose maxaan wax uqabtaa anigiiba waxba kuma dhex hayee.

Sadex sano oo aan sutida uhayay dhameeyay jaamacadii, anoo aad ufaraxsan isku diyaariyay inaan shaqo tago oo aan ka farxiyo waalidkay iyo ehelka aan la noolahay oo aan celiyo tacab aad ubadan oo la,igaliyay abaalkii la,igu lahaana aan gudo bilaabay raadinta macluumaadkasta oo ku saabsan wixiii shaqo ka jira dalka CV iyo wixii codsi shaqo lagu dalbadana qoray dhawr sanona waday walina wax aqbalaad ah iyo wax jawaab ah ma hayo.

Dadka inbadan aanu is naqaanay iyo inbadan oo aanu wax wada baranayba badaha ka talaabe badh tahriibay iyo badh waalidkood woxoogaa hayaan oo hawada lamariyay.

Hadaba aniga waalidkay bad iyo hawaba ma awoodaan oo ma tahriibin dalkana kama bixin waxaanan ahay baagamuunde(bilaacamal)bus iyo busaaradba waan qabaa awoodaydii iyo aqoontaydiina wax shaqo ah kumaan helin waanigaa anigoo gadh mafiiqa leh wali dhar iyo dhuuniba waalidkay ka sugaya ee ka yax yaxsan ninkaygan wayn ee waxtar iyo xooloba laga sugayay ee wali caruurtii bariiska ku cidhiidhinaya, waanigaa bilaacamalka awgii u eekaaday wax duliya oo nolosha ka dhacay  tiiyoo aanu jahli duli iga dhigin caqli xumona aanay  ihayn waanigaa iswada karahnay bulshadii.

Waa kaa waagii baryaba hamigaygii himiladaydii iyo hiigsigaygiiba qaybi dhimanayso tacsi la,aan tiiyoo xaalkaygu sidaa yahay oo aan soo taabtay xaalada wadanka ayaan hadana maqlaa iyada oo dad waawayn oo waayeel, masuuliyiin ,maalqabeeno iyo culimoba ahi igu maaweelinayaan dalka ka shaqaysta nimcaa fadhida ha tahriibina iyo meel kale ha tagina waxaa la furayaa mashaariico dhalintu shaqo ka hesho iyo hadalo kale oo afgobaadsi ah munaasibadaha laga yidhaana ma dhaafto.

hada iyagu hadh iyo habeenba caruurahooda dibada ayay udirayaan oo waxaad maqlaysaa iyagoo leh  inankaygii hebel ayaan  udirayaa dal hebel iyo iyo heblaayo  yarbaan dalka ka niyad jabtay oo aan khad uraadinayaa, waxay raadiyaan fursadkasta oo dalka dibada looga bixi karo xitaa iskoolar shiibkii bay ka dhigeen fursad dalka lagaga baxo culimadiina carab jacaylbaa  madax maray oo wadamada carabta ayay ubadkii ku daldallayaan.

Hadaba mudane madaxwayne waan ka daalay maaweeladaa oo hadal munaasibadaha uun laga yidhaa oo aan wax fulin ah lahayn xaaladayduna way kasii daraysaa oo qofnimadayda qoyska iyo qarankaba waxba uguma filni oo waxaan ahay saahood ,himaladaydii iyo hiigsigaygii  wakhtiga dhow  ahaana way dhinteen waxa ii hadhay kaliya kuwii wakhtiga fog, hadaba ma doonayo inaan dhinto anigoon nolosha waxba kusoo kordhin hawlaha qarankana aan saxar ku darsan sobobtoo ah waxaan ka baqayaa inaan luxudka qabanwaayo .

mudane madaxwayne waad aragtaa xaalkayga ee noolka iga bixi aan qurbahaa tagee halkaas ayaan isleeyahay waad ku badbaadinkartaa himiladaada iyo qorshahayga fog  ee iihadhay qoyska iyo qarankana halkaasaan wax kasoo tariye.

Madaxweyne kadib markaan tago halkaasa ayaan wadankan kusoo laaban aniga oo qurba jooga ,guri ka dhisan ,wasiir noqon ,ganacsi bilaabi kadibna dalka iyo dadkaba wax u qaban ama wax kusoo kordhin  waayo kaas ayuunbaa manta la sharfaa waxna loo dhiibtaa .

 

Dayib muuse sooyaan

Samawade448@hotmail.com

Dayib sooyaan      

Hargeisa/Somaliland

LEAVE A REPLY