Mudaharaad ka Dhan ah Qorshaha Soomaaliya ku Xaraashayso Shiidaalka oo ka Dhacay London

0
946
Soomaalida London ka dhigay Mudaharaadka ka dhanka ah Shiidaalka Soomaaliya

London,(HargeisaPress) —Waxa maanta magaalada London  ka dhacay Mudaharaad ka dhan ah shirka ay dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ku qabatay Ingiriiska oo lagaga hadlayo shiidaalka dalkaas.

Dadka u dhashay Soomaaliya ee ku dhaqan Ingiriiska ayaa mudaharaadka ay London ka dhigeen  ku cambaareeyay wax ay ugu yeedheen tallaabada dawladda Farmaajo ku xaraashayso shiidaalka ku jira badda Soomaaliya oo shirkad la yidhaahdo Spectrum ay soo qabanqaabisay shir maanta ka furmay London oo loogu talogalay in suuq loogu raadiyo sahanno laga sameeyey shiidaalka Soomaaliya, hase ahaatee mucaaridka ka soo horjeeda Xukuumadda Farmaajo ay sheegay inuu  si sharci darro ah u faasaxayo shiidaalka waddankooda.

Mudaharaadeyaashu waxay ku dhawaaqayeen halku-dhigyo ay kaga soo horjeedeen  in Xukuumadda Muqdisho ay  xaraashto shiidaalka iyo khayraadka dalkaasi, waxaanay sheegeen in aanay dawladda aan iskeed isku maamuli karini ee Soomaaliya wali gaadhin heer ay ka hadasho shiidaalka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka waddankaas qalalaasuhu hadheeyey rubuc-qarnigii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY