MUCAARIDKA DJIBOUTI OO AAD U XIISAYNAYA IN SALDHIGYO LAGA SIIYO SOMALILAND

0
1345

Cabdishakuur CabdiHargeisa Press —  Madaxda Mucaaridka Djibouti oo qado sharaf u sameeyay Mudane Yusuf Budle iyo isaga oo sheegay in ay ka shaqaynayaan siddii looga maarmi lahaa xisbiyada S/land ee laga maamulo Djibouti.

Madaxda ugu saraysa mucaaridka Djibouti oo ka kooban madaxda midowga xisbiyada mucaaridka ah ee USN iyo madaxda ugu saraysa  ururka xornimodoonka Djibouti ee Frud ayaa maalintii shalay ahayd qado sharaf ugu sameeyay Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda ee UCID, Mudane Yusuf Budle, Restaurantiga weyn ee Hibachi Restaurant ee magaalada Minneapolis, MN USA.

Dhinaca ururka Frud waxaa hogaaminayay wasiirka arrimaha dibedda ee Frud, isla markaana ah Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Frud, Prof. Hassan Mokbel oo xaruntiisu tahay Dalka Faransiiska.  Dhinaca isutaga xisbiya mucaaridka ee Djibouti ee USN, waxaa hor kacayay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee USN  North America Mr. Cabdi Cabdillahi. Madaxda kale ee kasoo qaybgashay qado sharaftan waxaa ka mid ahaa Mr. Ali Chemchem (Gudiga fulinta ee Frud, isla markaana ah madaxa laanta North America, Cabdullahi Abdo, madaxa xisaabaadka USN, Said Bileh, la taliyaha Madaxweynaha USN, Chawki Mohamed (Press and Communications USN), Ali Suldan (Madax sare Ugata Party), Aden Haji (Xoghayta Guud USN), iyo madax kaloo badan.

Qadasharaftan oo ku salaysnayd laba arrimood (1) U mahad celinta Mudane Yusuf Budle:  Ugu horayn si aad iyo aad ah ay madaxdani ugu mahad celiyeen Mudane Yusuf Budle sida walaaltinimada leh, kalgacalka leh, islamarkaana jacaylka ku salaysan ee uu uga hadlay qadiyadda dadka reer Djibouti iyo dhibaatooyinka uu ku hayo maamulka keligii taliyaha ah ee Ismaaciil Cumar Geele iyo weliba sida uu Mudane Yusuf uga shaqeeyay isku soo dhawaynta dadka walaalaha ah ee reer Djibouiti iyo Somaliland.  Prof. Hassan Mokbel oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi: Run ahaantii maanta sharaf ayay ii tahay in aan hor fadhiyo walaalkay Yusuf Budle oo aan in badan ka arkay shaashadda saxaafada. Yusuf waa wadani reer Somaliland ah laakiin run ahaantii aan odhan karo waa geesi ay dadka reer Djibouti ku faani karaan. Run ahaantii mudada aan madaxda ka ahaa ururkan Frud oo haatan kudhoow labaatan sanno, ma aanan arag qof reer Somaliland ah oo sida Yusuf Budle uga shaqeeyay isku soo dhawaynta dadka dulman ee reer Djibouti iyo walaalaheena reer Somaliland ee iyagana uu Ismacil Cumar Geele ku hayo faragelinta qaawan iyo u horseedka burbur aan laga soo kaban karin, haddii uu ku guulaysto ayuu kusoo gebo gebeeyay Prof Hassan.

Waxa kale oo madasha ka hadlay qaar ka mid ah madaxdaas oo ay ka mid yihiin Mudane Cabdi Cabdillahi, Mudane Cabdi Abdo, Mudane Cali Chemchem iyo qaar kaloo badan. Waxa ay madaxdanu dhamaantoodba si aada ugu mahad naqeen Mudane Yusuf Budle sida xilkasnimada leh ee uu uga hadlay arrinka faragelinta joogtada ah ee uu keligii taliye Ismacil Cumar Geele ku hayo maalin kasta dadka iyo dalka Somaliland. Waxa kale oo ay aad ugu amaaneen Mudane Yusuf sida uu aadka ugaga shaqeeyay isku soo dhawaynta dadka reer Somaliland iyo Djibouti, gaar ahaan isku soo dhawaanshaha mucaaridka Djibouti iyo dadka reer Somaliland ee xiisaynaya in ay la shaqeeyaan si loo soo dedejo burburka xukuumadda Ismacil Cumar Geele iyo aqoonsiga Somaliland.

Qodobka labaad ee la isugu yimid ee sida aadka ah loo lafo guray ayaa waxa uu ahaa siddii la iskula qaadaa dhigi lahaa sida loo furdaamin karo in mucaaridka Djibouti ku yeesho xafiisyo iyo xarumo siyaasadeedba meelo ka mid ah Somaliland. Waxa ay dhamaanba madaxda mucaaridka reer Djibouti ee iskugu timid qado sharftanu ay isku raaceen in loo baahan yahay in si dhaqso ah loo helo deegaano ay ku badbaadi karaan mucaaridka reer Djibouti ee maalin walba ka fakanaya keligii taliye Ismacil Cumar Geele. Waxa la isla soo hadal qaaday in meelaha ugu fiican ee in laga shaqeeyo ku habooni ay yihiin agagaarka deegaanka Saylac, Boorama iyo woqooyi xeebeedka gobolka Maroodijeex.  Mudane Cabdi Cabdillahi oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi: Haddii mucaaridka Djibouti ka helo deegaano siyaasadeed dalka Somaliland waxa hubaal ah in maamulka Ismacil Cumar Geele lagu eryi karo muddo aad iyo aad u gaaban. Madaxda ka soo qayb gashay qado sharaftan oo kala metalayay qaar ka mid ah 7da xisbi mucaarid ee ku midoobay ururka USN iyo mucaaridka xooga badan ee Frud ayaa dhamaantood sheegay in xisbiyada ay kala metalayaan ay diyaar u yihiin in ay ku dhawaaqaan in ay aqoonsandoonaan gooni isu taaga Somaliland isla markaana aanay haba yaraatee wax shuruuda ku xidhaynin in ay Djibouti noqoto dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland haddii ay ku guulaystaan in ay qabsadaan maamulka dalka Djibouti.

Ugu dambayntii Mudane Yusuf Budle oo goobtaas ka hadlay ayaa isagu si aad iyo aad ah uga mahad celiyay madaxdan u samaysay qado sharafta, isla markaana sheegay in uu gudanayo’uun waajibaad saran uuna aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu qayb ka noqdo jiilka cusub ee raba in laga gudbo siyaasaddii cabudhiska ahayd ee ku salaysnayd qaybi oo xukunka. Waxa uu Mudane Yusuf Budle sheegay in uu diyaar u yahay in uu si toosa ugala shaqeeyo dhamaanba mucaaridkan siddii la iskugu soo dhawayn lahaa dadka reer Somaliland iyo mucaaridka Djibouti, si looga wada shaqeeyo danaha labada dhinac.

Waxa kale oo uu Mudane Yusuf Budle sheegay in ay wadaan siddii looga maarmi lahaa xisbiyada S/land (Kulmiye, Wadani iyo UCID) ee dhamaantood looga taliyo xarunta madaxtooyada Djibouti, loona samayn lahaa xisbi madax banaan oo laga leeyahay S/land kana shaqeeya danaha dadka iyo dalka Somaliland. Isaga oo arrinkaa ka sii hadlayana waxa uu yidhi: Somaliland waa ay ka leexatay siddii lagu heshiiyay 1991 (Shirkii Burco) iyo 1993 (Shirkii Boorama) ee ahayd saami qaybsiga iyo wada lahaanshaha S/land, sidaas awgeed waxa aanu bilownay in aan daba qabatayno S/land oo aanu samayno xisbi madax banaan oo ay u dhan yihiin beelaha wada dega S/land oo dhan, bari ilaa galbeed. Siyaasadaas cusub iyo xisbigaas cusub ayaana idiin suurto gelindoona danaha aad ka leedihiin Somaliland, waayo ayuu yidhi Mudane Yusuf: Danta Somaliland waa in nala aqoonsado, dhaqaalena u samayno dadkayaga, cidda ugu horaysa ee taas diidanina waa Ismacil Cumar Geele.  Idinkana dantiinu waa in aad iska ridaan dhiig cabka dadkiinii dhiiga ka nuugay ee weli dhergi la’. Marka isku dan ayaynu nahay ee awal xidhiidh ayuunbaynaan lahayn, laakiin mar haddii uu xidhiidhkii inoo furmay, inta kale waa sahaalo. Waxa uu mudane Yusuf Budle sheegay in ay meel fiican u marayso isku duba ridka iyo dhamaystirka xisbiga cusub ee uu ka dhawaajay, ayna marayaan stage-kii ugu dambeeyay ee dheelitirka xubnaha gudida fulinta iyo madaxda ugu saraysa, ayna aad ugu rajo weyn yihiin in ay dhawaan ku dhawaaqaan xisbigaas.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY