Miyeynu sugnaa inta Warbaahinta Indhow-aragtu ka abuurayso Somaliland xasuuqii RWANDA oo kale?

0
3335
rwandan genocide

Bishan December waxaynu ku soo jirnay dhirbaaxadii ugu xumayd ee hogaamiyeyaasha   xisbiyadeenu soo gaadhsiiyaan bulshadeena, oo dal iyo dad la tacaalaysa dhibaatooyinka abaarahu iyo sida madaxda xisbiyadu ugu foogan yihiin olelayaal cod-kasbasho, ama  tudhaale la’aanta madaxda xisbiyada iyo ku hadaaqooda hadalo naxli iyo necbaansho kala dhexdhigaya bulshada walaalaha ah, halkii ay ku kasban lahaayeen codkooda u soo bandhigida barnaajim iyo qorshaha ay ku hogaamin doonaan hadii ay ku guulaystaan hogaanka dalka.

Balse jawaabta keliya sababaha hogaamiyeyaasha xisbiyadeenu sidan ugu dhaqmayaa waa iyadoo dantoodu tahay helitaanka awooda iyo hanti, hadafkooduna yahay gaadhitaanka yoolkooda. Ma danaynayaan faqriga bulshada inta ugu badani waajahayso, iyo xanuunada daawooyin loo heli karo ee baddi u geeryoonayaan bulshadeenu iyo mushkiladaha dhinac walba waajahaya, baadidoonkooda xalkii looga bixi lahaa. Hadii arrimaha noocan oo kale ka dhacaya dalkeena, waxaan si weyn isku weydiiyaa waa maxay faa’iidada ay inoo leedahay doorasho aynu galo! Ma iyadoo shaqsiyaad iyo dawlado dunida dacaleeda joogaan dalbanayaan awgeed baa?

Nimaan waxa jooga garanin, waxa soo socda ma garto! ayaa hore loo yidhi, ifafaalaha siyaasad ku sheegta hogaamiyeyaasha xisbiyada dalkeenu ku dhaqmayaan iyo tebinta anshaxa la’aaneed ee warbaahinta dalkeena qaarkood maanta marayaan hadaan degdeg looga gaashaaman, waxna looga qaban, waxay inna  gayeysiin karta halis riiqdeedu dheeraato oo halaag naf iyo maalba keena.

Marka laga sheekeeyo xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sannadkii 1994-kii iyo sida la isugu diray shacabkii wada degenaa dalkaa, waxa qeybta ugu weyn laga saaraa warbaahinta oo la odhan karo iyagaa kiciyey, isla markaana sii buunbiinyey in dhacdadaasi gayeysiiso shacabkii Rwanda in xasuuqii ugu xumaan dagaaladii dunnida ka dib ka dhaco, isla markaana tiro malaayiin qof lagu dilo.

“Weli xabaalahii ma buuxaan” waxay ka mid ahayd hal-ku-dhigyada warbaahinta Rwanda qaarkood qorayeen, ee sii huriyey xasuuqii ka dhacay Rwanda,  akhrise miyaanay kuula sansaan eekayn marka warbaahinta dalkeenu qaarkood sida HCTV baahinayaan ‘Hebel xasuuquu geystay xabaalahoodii way sii muuqdaan” inay lama huraan tahay in looga dhaadhaco halista sida kuwa hore ee Rwanda gayeysiiyeen xasuuqa ka dhacay, hadaan sida ugu horaysa wax looga qaban?

Waxaan kaga baxayaa waxaa looga fadhiyaa hay’adaha ay khusayso ee amaanka iyo madaxda dalka iyo mulkiilayaasha hay’adaha warbaahineed ee ka qeyb ah faafinta warar iyo muuqaalo anshaxa iyo asluubka mihnada saxaafadeed ka aradan inay talaabada ku haboon ka qaadaan dhamaan inta kala dhantaalaysa wadajirka iyo wada noolaanshaha bulshada, shacabka Somaliland ugu baaqayaa inay ilaashadaan nabadgelyadooda, meelena uga soo wada jeestaan cid kastoo dhaawacaysa, ha noqdaan warbaahin, madax xisbi iyo cadow dibadeed mid walba, hogaamiyeyaasha saddexda Xisbi qaran-na kula xisaabtamaan codka ay siinayaan waxqabadkooda mid hore iyo ka u qorshaysan, hadday hantaan hogaanka dalka.  Ilaahay dariiqa xaqa ha inna waafajiyo dhamaanteen aduun iyo aakhiro, Aamiin.

Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleye).

LEAVE A REPLY