Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Shanta Horyaal Ee Yurub Ugu Waa Wayn Iyo Xidigaha Horyaalka Kasta Goolasha Ugu Badan Dhaliyay.

0
2537
La Liga 2016-17 Points Table

HargeisaPress —Tartamada shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ayaa maraya heer xamaasad  badan waxaana socda loolanka adag ee ay kooxaha horyaaladani ugu jiraan ku guulaysiga koobabka ay u tartamayaan iyo waliba ku soo bixitaanka kaalmaha sare ee UEFA Champions League looga qayb galo iyada oo jiraan kooxo haddaba ugu cad cad in ay ku guulaysan karaan koobabka loo tartamyo.

Xili ciyaareedkan shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn waxaa ka jira laba kooxood oo kaliya oo aan ilaa hadda wax guuldaro ah soo arag waxayna kala yihiin Manchester City oo Premier League xaquus wayn ku haysa iyo Barcelona oo gumaadaysa kooxaha La Liga.Laakiin marka laga yimaado xifiltanka kooxaha shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn waxaa jira tartanka gool dhalinta maxaliga ah iyo kan Yurub ee loogu guulaysto kabaha dahabka ah.

Sida aad la socoto xidiga goolasha ugu badan shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn ka dhaliya ayaa la gudoonsiiyaa kabta dahabka ah ee Yurub taas oo la micno ah in uu isku darsado kabta dahabka ah ee horyaalka uu ka tirsan yahay iyo tan Yurub.Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan sidii buuxda idiinku soo gudbinaysa dhamaan miiska kala saraynta gool dhalinta shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayn iyo horyaalka kasta xidigaha ilaa hadda goolasha ugu badan ka soo dhaliyay taas oo aad si fiican uga fahmi doonto xidigaha gool dhalinta yurub hogaaminaya.Aan ku horaynee horyaalka Premier League waxaa min 15 gool ku hogaaminaya Mohamed Salah oo Liverpool ka tirsan iyo xidiga kooxda Tottenham ee Harry Kane. Salah ayaa hal gool ka dhaliyay kulankii  cajiibka ahaa ee Arsenal gool qurux badan ka dhaliyay halka Harry Kane uu saddexley ka dhaliyay kulankii Burnley si uu Mohamed Salah u soo qabto.

Laakiin Raheem Sterling oo xili ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa ku jira ayaa markale shabaqa ka soo taabtay kulankii Bournemouth si uu kaalinta saddexaad ugula jiro Sergio Aguero oo isna laba gool isla kulankaas ka dhaliyay waxayna wada haystaan min 12 gool.Haddaba halkan kaga bogo xidigaha ilaa hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay Premier Leagu:

1 Mohamed Salah  – Liverpool 15

=Harry Kane -Tottenham Hotspur 15

3 Raheem Sterling Manchester City 12

=Sergio Agüero -Manchester City 12

5 Romelu Lukaku -Manchester United 10

=Wayne Rooney – Everton 10

7 Álvaro Morata -Chelsea 9

8 Jamie Vardy -Leicester City 8

=Alexandre Lacazette – Arsenal 8

=Gabriel Jesus -Manchester City 8

11 Roberto Firmino – Liverpool 7

12 Shinji Okazaki -Leicester City 6.

Miiska Kala Saraynta Horyaalka La Liga:

Gool dhalinta la Liga waxaa 15 gool ku hogaaminaya Lionel Messi oo gool uu taariikh ku dhigay ka dhaliyay kulankii Beranbeu ee El Clasico-da laakiin waxaana kaalinta labaad ku jira xidiga wacdaraha tan iyo xili ciyaareedkii hore dhigayay ee Iago Aspas oo ka tirsan kooxda Celta Vigo kaas oo soo dhaliyay 11 gool halka Simone Zaza oo Valencia ahi uu 10 gool kaalinta saddexaad ugu jiro waxayna isku mid yihiin Luis Susarez oo shan gool soo dhaliyay afartii kulan ee ugu danbeeyay.

1 Lionel Messi -Barcelona 15

2 Iago Aspas -Celta Vigo 11

3 Simone Zaza -Valencia 10

Luis Suárez -Barcelona 10

5 Cristhian Stuani -Girona 9

Cédric Bakambu -Villarreal 9

7 Rodrigo -Valencia 8

8 Maximiliano Gómez -Celta Vigo 7

=Willian José Real – Sociedad 7

=Gerard Moreno -Espanyol 7

=Antonio Sanabria -Real Betis 7.

Miiska Kala Saraynta Horyaalka Talyaaniga:

1 Mauro Icardi – Internazionale 17

2 Ciro Immobile – Lazio 16

3 Paulo Dybala – Juventus 12

4 Fabio Quagliarella -Sampdoria 10

Dries Mertens -Napoli 10

6 Gonzalo Higuaín – Juventus 9

7 Edin Dzeko -AS Roma 8

8 Roberto Inglese – Chievo Verona 7

=Josip Ilicic -Atalanta 7

=Ivan Perisic -Internazionale 7.

Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Horyaalka Germany:

1 Robert Lewandowski -Bayern Munich 15

2 Pierre-Emerick Aubameyang -Borussia Dortmund 13

3 Alfred Finnbogason -FC Augsburg 11

4 Kevin Volland Bayer – Leverkusen 9

=Mark Uth -TSG Hoffenheim 9

6 Timo Werner – RB Leipzig 8

 

=Michael Gregoritsch -FC Augsburg 8

Nils Petersen -SC Freiburg 8

9 Salomon Kalou -Hertha Berlin 7

Guido Burgstaller – Schalke 04 7.

Miiska Kala Saraynta Gool Dhalinta Horyaalka France:

1 Edinson Cavani – Paris Saint-Germain 19

2 Radamel Falcao – AS Monaco 15

3 Nabil Fekir – Lyon 13

=Mariano – Lyon 13

5 Neymar – Paris Saint-Germain 11

6 Mario Balotelli – Nice 10

7 Karl Toko Ekambi – Angers 9

8 Memphis Depay – Lyon 8

=Kylian Mbappé – Paris Saint-Germain 8

=Florian Thauvin- Marseille 8

11 Emiliano Sala- Nantes 7

=Malcom – Bordeaux 7.

GEESKA

LEAVE A REPLY