Midowga Yurub Oo Sheegay Inay Ka Xun Yihiin Dilka Maamulka Puntland Ku Fulisay Shan Dhalinyaro

0
1173
European Union

Brussels, (HargeisaPress) —Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka xun yihiin ciqaabtii dilka aheyd ee ay fulisay Maxkamadda Ciidamada maamulka Puntland, kaddib markii 8-dii bishan shan dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagu toogtay duleedka Boosaaso.

War ka soo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa looga muujiyay fulinta ciqaabtan dilka ah, waxaana ay sheegeen inay ciqaabta dilka ay tahay mid aan naxariis laheyn oo ka baxsan bani’aadanimada.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay isticmaalka ciqaabta dilka ah ee ay adeegsadana Maxkamadaha ciidamada Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa ugu baaqday Maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay si kumeel gaar ah u hakiso xukunada dilka isla markaana ay xaqiijiso in dadka rayidka ah la saaro maxkamadaha rayidka.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta nidaamka garsoorka Soomaaliya iyo horumarinka dhaqanka sharciga iyo cadaalada, waxaana ay ugu baaqeen maamulada Soomaalida in la joojiyo isticmaalka ciqaabta dilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here