Midowga Yurub oo Netanyahu ka diiday dalabka Qudus

0
1346
Mr Netanyahu ayaa la kulmay madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee EU Federica Mogherini

BRUSSELS —Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in “ururka u dhan yahay” in la taageero in Qudus ay caasimad u noqoto dowlad mustaqbalka ay Falastiin yeelato iyo Israa’iil.

Federica Mogherini ayaa sheegtay in xubnaha midowga aysan Qudus u aqoonsan doonin in ay tahay caasimadda Israa’iil, illaa heshiis nabadeed oo dhammeystiran laga gaarayo.

Waxay hadalkaasi jeedisay ka dib markii ay la kulantay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go’aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.

tallaabadii madaxweyne Trump waxaa ka dhashay caro iyo dhalleeceyn caalami ah. Dalalka Islaamka ayaa si adag u dhalleeceeyay tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka.

Ms Mogherini, oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo si wada jir ah Brussels ugu wada qateen ayada iyo Netanyahu, ayaa tilmaamtay in midowga Yurub uu sii wadayo in uu aqoonsado “go’aanka caalamiga ah” ee Qudus ku saabsan.

“Waa in aan dhahaa in Ra’iisul wasaare Netanyahu uu ka arkay wasiirada in Midowga Yurub u dhan yahay arrintan. Xalka keliya ee suuragalka ah ee dagaalka loo helo, waa midka dhexmaraya Israa’iil iyo Falastiin, kuna saleysan laba dal oo caasimad ay u tahay Qudus.”

“EU iyo dalalka xubnaha ka ah waxay xushmeynayaan go’aanka caalamiga ah ee Qudus illaa xal laga gaarayo khilaafka goobaha barakeysan, oo loo marro wadahadal toos ah oo ay yeeshaan labada dhinac”.

Laakiin Netanyahu ayaa tilmaamay in go’aanka Mareykanka uu yahay mid lagu garwaaqsaday “xaqiiqada”.

Wuxuu hadda ku sugan yahay Brussels oo wada xaajood kula leeyahay wasiirada arrimaha dibadda ee EU. Waa markii ugu horeysay oo ra’iisul wasaare Israa’iili ah booqdo Brussels muddo 20 sanno ah.

Dibadbaxyo ka dhan ah go’aanka Trump ee Qudus ayaa weli ka socda gobolka. Goobaha ugu dambeeyay waxaa ka mid ah Daxaya oo ah deegaan uu ururka Xisbullah ku xoog badan yahay ee Bayruut.

Isagoo ka hadlayay meel aan la shaacin, hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa sheegay: “In Trump uu moodayay in caasimadaha caalamka iyo dalalka Carabta ay ku taageeri doonaan go’aankiisa”.

“Hadda wuxuu u muuqdaa in la cidleeyay, Israa’iil oo keli ah ayaa taageertay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku nool Daanta Galbeed ayaa weli sii wada in ay dhagxaan ku tuuraan ciidamada Israa’iil; Sidoo kale shacabka Tehraan iyo Bayruut ayaa loogu baaqay in ay isu soo baxaan.

Xilligii Trump uu ku dhawaaqayay go’aankiisa ku aadan Qudus, wuxuu sidoo kale amray in safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loo raro Qudus.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here