Midawga waxgaradka reer somaliland ee ku baahsan aduunka iyo Dalka gudihiisaba.

0
934

Hargeisapress-Isticmaalka internet-ka baraha dadku iskugu yimaado oo xoojiyay in indheer garadka muwaadinka ahi dib isula qabsadaan si ay u mideeyaan aragtiyaha dib u dhiska dalka.

Midawga waxgaradka aqoonyahanka reer somaliland ee ku baahay aduunka iyo kuwa dalka joogaba ayaa waxaa dhaqdhaqaaqyadooda ka dareemaysaa baraha internetka ee facebook,whatsup kooxahani waxay u dhisan yihiin qaab cilmiyaysan oo ku wajahan wacyigalin iyo iscaawin xoogan oo gudahooda ka jira, waxaa mideeyay baahida dadkooda iyo iyagaba hortaala oo u baahan in laga gudbo,maaha dad reernimo isu keentay oo waxay ka kooban dad kala qabiilo iyo deegaanba ah laakiin afkaartu midaysay.

Ugu horayn dhalinyarta reer somaliland ee wax kusoo bartay india ayaa hormuud ka ah kooxahan waana tusaale wanaagsan oo lagu daydo mudan,waxaa lagu xantaa maxaa isku kiin haya ee aad raxan raxan isu wada xidhan tihiin ma noloshii india ee adkayd ayaa qoys idinka dhigtay.

Dallada dhalinyartani reer somaliland ee india waxkusoo bartay waxay ku kala noolyihiin USA,UK,CANADA,SWIZERLAND,NEW ZEALAND,SWEDEN,DENMARK,EMARITES,QATAR,SOMALILAND.

Waa dhalinyar waxgarad ah oo leh aqoon heer jaamacadeed caalami ah waxay ka qayb qaataan horumarka bulshada sida waxbarashada,mucaawinooyin waxay u badan yihin macalimiinta jaamacada somaliland ka jira,waa kooxaha laga filan karo in ay noqdaan qarankan tiirarka dib usoo noolayn kara lexo jeclo iyo abaabul waxtar oo lagu xoojiyo dawlada iyo dadkaba mid aqooneed iyo mid dhaqaaleba.

Hargeisapress office

LEAVE A REPLY