Mid Ka Mid Ah Tiirarkii Waxbarashada Somaliland Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay

0
1095
Marxuum Ismaaciil-Dhubbato

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Dhambaal Tacsi ah u diray Ehellada, Qaraabada iyo bahda Waxbarashada oo uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ismaaciil Cali Faarax (Dhubbato) oo ka mid ahaa Macalimiinta waaweyn ee reer Somualiland, kaasi oo Caawa ku Geeriyooday Hargeysa.

Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynuhu u diray Ehelada, Qaraabada iyo Shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Ismaaciil-Dhubbato ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Bahda waxbarashada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Cali Faarax (Ismaaciil Dhubato) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 13/03/2018, magaalada Hargeysa.

Macalinkii Waynaa Ee Ismaaciil Dhubato Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Iyo Saamaynta Uu Kaga Tagay bahda Waxbarashada

Marxuumka oo ay Madaxweynaha isku fasal ahaayeen wakhtigii waxbarashada ayuu ku sifeeyey Marxuumka shaqsi karti iyo dedaal badnaa yaraantiisi iyo intii uu ku dhex jiray bahda waxbarashada oo uu ka soo bilaabay macalin-nimo kuna dhex jiray muddo 50 sanno ah, isagoo mar noqday gudoomiyaha waxbarashada gobolka Maroodi-jeex, soona saaray jiilal ka dhaxlay aqoon iyo waayo aragnimo badan, waxaanu marxuumku ku tilmaana  daacadnimo iyo aqoon uu u huray dadkiisa, iyadoo taariikhdu xusi doonto dedaaladii uu qaranka iyo dadkiisaba la barbar taagna.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda waxbarashada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here