Messi Oo Iskuul U Dhisay Carruurta Suuriya

0
1607
Carruurta Suuriya

HargeisaPress —Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka mid noqday dadka u dambqaday carruurta dagaallada Suuriya ka dileen rajada iyo nolosha ee ay qaar badan oo ka mid ah uu maydkoodu bannaanada wadhan yahay, kuwaas oo illoobay waxbarasho, qaar badan oo kalena ay soo tufaan baddu iyagoo meyd ah.

Hay’adda gargaarka ee Leonel Messi ayaa qayb ka noqotay mashruuc dib loogu soo celinayo rajada carruurta Suuriya oo iskuullo loogu samaynayo degmo yar oo lagu ururiyey dadka soo baro-kacay.

Iskuulkan oo ay dhigan doonaan 1,600 arday, ayaa loo sameeyey laydh solar ah, si deegaan ku habboon waxbarashada looga dhigo.

In ka badan boqolkiiba lixdan carruurta iskuulkan dhiganaysa, waxay kasoo baro-kaceen guryahoodii, magaalooyinka waaweyn ee waddanka.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY