Meel-ka-dhaca Maamulaha Madaarka Hargeysa waxay Dhaawacaysaa Haybada Dawladnimo

0
1356
Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi)

Waxa fajiciso iyo amakaag ku noqday shacabka Somaliland oo illaa Jimcihii aad loo hadal hayaa fadeexadii ka dhacday Madaarka Hargeysa ee sida masuuliyad darrada iyo arxan darrada ah diyaaradii Flydubia looga reebay gabadh isa sidatay oo muwaadinad ah oo kursi ay fadhiisatay lagu qabsaday, diyaaradiinna xoog lagaga soo rogay.

Falkaasi wuxuu ahaa mid aan loo baahnayn oo duuliyihii diyaarada iyo wasiirka duulistu ay ku gefeen xuquuqdii gabadhan muwaadinada ah. Waxa kaloo aan bogaadinayaa Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexan oo sameeyey waddaniyad, kadib markii uu Flydubia uga degay markii uu u adkaysan waayey facaa’ilkii foosha xumaa ee ka dhacay madaarka iyo diyaaradanba.

Waxase xaaladda meel xun sii geeyay maamulaha madaarka Hargeysa, Maxamed Yuusuf oo si anshaxa ka baxsan u aflagaadeeyey Wasiirka Hawlaha guud. Waxaa hadalka maamulaha madaarku noqday fadeexad labaad oo la soo deristay Wasiir Farxaan Aadan Haybe.

Waxaan ku baaqayaa in xukuumaddu anshax mariso maamulaha darjiidhay ee weeraray wasiir xukuumadeed oo aanu la derajo ahayn. Haddii Wasiirka Duulistu xilka ka qaadi waayo maamulaha madaarka waxay u muuqanaysaa inuu isagu soo adeegsaday oo uu oggolaansho u siiyey kana dambeeyey wiilkan meel-ka-dhaca iyo jaran-jaro dhaafka sameeyey ee shaqaalaha u ah.

Waxaan xukuumadda Somaliland ku boorinayaa in baadhis lagu sameeyo gabadha lagu xadgudbay ee diyaaradii ay raaci lahayd looga soo dejiyey sabab aan macquul ahayn.

Ugu dambayn waxaan mar labaad ammaanayaa Wasiir Cali Mareexaan oo dadnimo iyo waddaniyad muujiyey kana dhiidhiyey inuu daawado iyadoo hortiisa lagu gefayo muwaadinad reer Somaliland ah oo dalkeeda xuquuq weyn ku leh.

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi(Bidhi)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here