Maxkamadda Sare Oo Xildhibaan Talyanle Ku Gacansaydhay Dacwadii Doorashada Shirguddoonka Golaha Wakiilada Ee Uu U Gudbiyay

0
1040
Xarunta Maxkamadda Sare Ee Somaliland

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ku gacansaydhay dacwad uu u gudbiyay oo ka dhan ahayd natiijadii doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee toddobaadkii hore.

Qaraar uu shalay soo saaray guddoomiyaha maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali oo ay ku saxeexanyihiin guddiga garsoorka maxkamadda sare ayaa waxa lagu sheegay inaanay dacwadda uu Talyanle gudbiyay aanu waafaqsanayn qodobada sharci ee maxkamadda sare ee JSL, waxaanay go’aamisay in lagu xaliyo xiisada golaha wakiilada xeerarka golaha wakiilada.

Qaraarka maxkamadda oo loo gudbiyay dhinacyada ay khusayso ee muranku ka dhexeeyo, madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha guurtida ayaa u qornayd sidan “Ka Jawaabis arjiga dacwadda ee ku taariikhaysnaa 8 august 2017 ee uu u soo gudbiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle maxkamadda sare ee Jamhuuriyada Somaliland.

-Markay aragtay arjiga dacwadda ee ku taariikhaysan 8/8/2017 ee uu u soo gudbiyay dacwoode Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, ujeedadiisuna ahayd dacwad ka dhan ah codayntii jagada murashaxa guddoomiyaha golaha wakiilada.

-Markay daristay nuxurka arjiga kor ku xusan oo ah cabasho uu dacwooduhu kaga cabanayo go’aankii lagu ansixiyay natiijada codayntii jagada guddoomiyaha golaha wakiilada JSL ee dhacday 6/8/2017 iyadoo uu ku cabanayo in isagu uu helay 39 cod, halka Baashe Maxamed Faaraxna uu helay 38 cod islamarkaasna codayntii la is daba mariyay oo uu ku qanacsanyahay inuu isagu yahay mudaha helay codkii haldheeriga ahaa ee mudanayaashu ku siiyeen kalsoonida inuu golaha wakiilada hoggaamiyo muddada xilka golaha ka hadhay isagoo ugu dambayn codsaday

  1. In la aqbalo codsigiisa 2. In maxkamadu sixitaan ku samayso go’aanka khaldan ee natiijadii codayntii jagada guddoomiyaha ee qabsoontay 6/8/2017 3. In la hakiyo fadhiyada golaha ilaa inta la saxayo natiijadaas codaynta ee maalintaas

-Markay u cadaatay inaanu jirin muran distoori ah oo la leeyahay arrin distoor ah ayaa meel lagaga dhacay balse ay arrintu la xidhidho habka codaynta ee golaha wakiilada.

-Markay u cadaatay in cabashadani ay la xidhiidho arrin gudaha ah oo habka codaynta mudanayaasha golaha wakiilada JSL islamarkaana uu jiro xeer hoosaad uu leeyahay goluhu oo ay tahay inay muranadooda ku xaliyaan xeer hoosaadka gaar ahaan qodobada 37,42 ee xeer number 01/2006

-Markay u cadaatay in codayntu ay u dhacday si waafaqsan xeer hoosaadka golaha wakiilada JSL islamarkaana ay aqbaleen murashixiinta jagada guddoomiyaha goluhu cabashaduna ay timid natiijada codaynta iyo aqbalaadii xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ka dib oo aanay jirin cid durtay habk loo raacay codaynta

-Makay aragtay qodobka 98 ee distoorka JSL

-Markay aragtay dhammaan asbaabtaas kor ku xusan

Waxay soo saartay qaraarkan hoos ku qoran

Qaraarkii Maxkamadda

Makamadda sare ee JSL:-

  1. Waxay qaraarisay in arjiga uu maxkamadda u soo qoray xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ee ku taariikhaysnaa 8/8/2017 aanu waafaqsanayn qodobada sharci ee khuseey maxkamadda distooriga ah maadaama oo aanay jirin dacwad distoori ah oo waafaqsan qodobada 98 (1), (AC) ee distoorka JSL
  2. Waxay qaraarisay in cabashada uu xambaarsanyahay arjiga uu maxkamadda u soo qoray xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ee ku taariikhaysan 8/8/2017 uu dariiqeedu yahay in lagu xaliyo golaha JSL dhexdiisa iyagoo raacaya xeer hoosaadkooda gaar ahaan si waafaqsan qodobada 37 oo ka hadlaya soo jeedimaha iyo qodobka 42 oo ka hadlaya noocyada codaynta iyo muranadooda sida loo xalinayo ee xeer no 01/2006.
  3. Qaraarkan waxa loo cuskaday qodobada 37,42 ee X/N 01/2006 iyo qodobka 98aad ee distoorka JSL.
  4. Qaraarkani wuxuu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 12/8/2017

 

Guddida garsoorka

  1. Aadan X.Cali Axmed
  2. Maxamed Cumar Geele
  3. Cabdiraxmaan Xasan Nuur
  4. Cabdiqaadir Axmed Maxamuud
  5. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan

LEAVE A REPLY