Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Qaraar Kasoo Saartay Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Somaliland Amarna Fartay Golaha Guurtida

0
1311
Xarunta Maxkamadda Sare Ee Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) — Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa hadda waxay qaraar fasiraad  iyo dib u eegis ah kasoo saartay warqad uu dhawaan u direy madaxwayne Siilaanyo isla markaana khuseysa arrimaha doorashooyinka Somaliland ee dib u dhigista lagu sameeyey.

Waxaana maxkamadda sare ee Somaliland ay ka jawaabtay codsigaasi uga yimi madaxwayne Siilaanyo ee uu maxkamadda sare kaga codsanayo inay dib u eegis ku samayso qaraar hore uga soo baxay maxkamadda dastuuriga ah oo summadeedu ahayd MS/DD/02/2015 ee 18-08-2015.

Waxaana maxkamaddu ay aqbashay codsigaasi uga yimi madaxwaynaha Somaliland,sidoo kalena waxay qodobo qaraaar ah kasoo saartay maxkamaddu codsigaasi madaxwaynuhu soo  gaadhsiiyey ee ah dib u eegis lagu sameeyo qaaraar hore uga soo baxay maxkamadda oo ahaa in doorashada madaxtooyada la qabto 28 Bisha March 2017-ka taas oo ay madaxwaynaha Somaliland,saddexda xisbi qaran iyo guddiga komishanku kulan ay iskugu yimaadeen isla qaateen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada madaama oo dalka ay ka jirto abaar adagi.

Sidoo kalena maxkamadda sare ee Somaliland ayaa qaraarkan ay soo saartay waxay  amar ku fartay golaha guurtida in ay waajibkooda distuuriga ah ka gutaan kordhinta doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka.

Qodobada ay maxkamaddu soo saartay oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxay kala ahaayeen sida tan

                        Qaraarka Maxkamadda Distuuriga Ah Ee JSL

  • Maxkamaddu waxay aqbashay codsiga dib u eegista ee madaxwaynaha Somaliland ee summadiisu tahay JSL/M/MD/100-4553/022017 kuna taariikhsnaa 14.02.2017 ee uu maxkamadda Distuuriga ah ee JSL kaga codsanayey in dib u eegis ku samayso qaraakeedii fasiraada ahaa ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ee ku taariikhaysnaa 18.08.2015
  • Maxkamaddu waxay wax ka badashay qaraarkii maxkamadda Distuuriga ah JSL ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ku taariikhaysnaa 18.08.2015.
  • Waxay tirtirtay farqadaha 1-Aad iyo 3-Aad ee qaraarka summadiisa iyo Taariikhdiisuba kor ku xusan yihiin oo ka hadlayey in doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyo waliba golaha wakiiladu ay qabsoonto March 2017.
  • Waxay faraysaa in golaha guurtidu ay waajibkiisa Distuuriga ah ka guto kordhinta doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyada oo laga duulayo soo jeedinta madaxwaynaha Somaliland si dastuurka JSL waafaqsan.
  • Qaraarkan waxa loo cuskaday qodobada 97,98 ee dastuurka JSL iyo qod.15 XNG iyo 334 XHM.
  • Qaraarkani waxa uu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 16.02,2017.

Waxaana lixdan qodob ee qaraarka ah ee maxkamaddu kasoo saartay doorashada madaxtooyada Somaliland ku saxeexnaa guddiga garsoorka oo kala ah

  • Aadan Xaaji Cali   (Gudoomiye)
  • Maxamed Cumar Geelle  (Xubin)
  • Maxamed Faarax Siciid               (Xubin)
  • Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan         (Xubin)
  • Cabdiraxmaan Xasan Nuur         (Xubin)

LEAVE A REPLY