Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Filayo Inay U Yeedho Labada Murrashax Ee Ku Muransan Jagada Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland

0
1383
Md. Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle)

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa waxay sheegayaan in la filayo in maalinka Axadda ee fooda inagu soo haysa ay maxkamadda sare ee Somaliland ay u yeedho isla markaana kulan la qaadato labada Murrashax ee ku mursan gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland,taas oo maalinkii axadda ee lasoo dhaafay,codayntii ka dhacday golaha wakiilada Somaliland ay noqotay sida ay xildhibaanada qaarkood ku doodayaan mid la musuq-maasuqay isla markaana ay jirto is daba marin tirada ah oo ku saabsan codayntaasi.Xildhibaanadan kasoo horjeeda natiijada codaynta lagu dhawaaqay ayaa ah xildhibaanadii u codeeyey murrashax Xildhibaan  Cabdiraxmaan Talyanle.

Waxaana gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo qabtay gal dacwadeed ay usoo gudbiyeen murrashax Cabdiraxmaan Talyanle iyo xildhibaanadii  taabacsanaa la filayaa in uu ka garnaqo maalinkaasi murankan ka taagan golaha wakiilada Somaliland ee ku  saabsan gudoomiyaha  Manjaraha u hayn doona  golaha wakiilada Somaliland inta laga gaadhayo doorashada wakiilada Somaliland,waxaana sidoo kale fadhigan maxkamadda sare ay tahay dhagaysiga labada dhinac ee xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ku mursan jagada gudoomiyaha Wakiilada Somaliland.

Gabagabadiina ilaa hadda lama garanayo go’aanka ay maxkamadda sare ee Somaliland kasoo saari doonto ka garnaqa gal dacwadeedkan loo soo gudbiyey iyo murankan ka taagan golaha Wakiilada Somaliland,waxaana bulshada Somaliland ay aad isha ugu haysa ka garnaqa iyo natiijada ay maxkamadda sare kasoo saarto dacwadaasi iyo khilaafkan ka taagan golaha.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here