Maxkamadda sare ee Kenya oo xayiraad kusoo rogtay sharciga amniga Kenya

0
968

Nairobi, (HargeisaPress) — Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xayiraad kusoo rogtay manta qodobbo ka mid ah sharciga muranka dhaliyay ee wax ka bedelka ammaanka dalka Kenya, kaasoo laba toddobaad ka hor uu saxiixay madaxweynaha dalkaas, iyadoo ay uga soo horjeesteen isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD.

Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya, George Odunga ayaa ku sheegay in sideed qodob oo sharcigan ka mid ah xayiraad la geliyay, kuwaasoo ahaa kuwo ay si aad ah walaac uga muujiyeen hay’adaha xuquuqda aadanaha, isagoo dalbaday in la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah si sharcigaan looga doodo.

Sharcigan cusub ayaa sameyntiisa waxaa sabab u ahaa kaddib markii ay ku bateen Kenya, weerarrada ay Al-shabaab ku qaadayso gudaha dalkaas, kuwaasoo qal-qal geliyay amniga guud ee Kenya.

Xukuumadda Kenya weli wax jawaab ah kama bixin xayiraadda qaar ka mid ah sharcigan oo ay baarlamaanka dalka Kenya horay u ansixiyeen ay maxkamadda sare ee Kenya kusoo rogtay Jimcaha maanta ah.

Qodobada isticmaalkooda la joojiyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka ku saabsan in xabsiga lagu hayn karo muddo hal sano ah maxkamad la’aan qofkii lagu tuhmo argagaxisonimo iyo inaysan saxaafadu baahin karin wararka ku saabsan falalka amni-xumada ah ee ay geysteen argagaxisada iyo kooxaha kale ee hubeysan. Kuwaasoo ahaa qodobbadii ay shacabka dalka Kenya sida aadka ah uga qayliyeen.

Sidoo kale, qodobbada xayiraadda lagu soo rogay ayaa waxaa ka mid ah inay Kenya joogi karaan markiiba 150,000 oo ruux oo qoxooti ah, qodobkan oo ka mid ahaa kuwa walaaca xooggan muujiyay.

“Xukuumadda Kenya waxaa waajib ku ah inay sameysato tallaabooyin ay kaga hortagayso falalka argagaxisada ay geysanayso, kaawaas oo dhowraya xuquuqaadka shacabka Kenya ku nool,” ayuu yidhi Odunga oo intaa ku daray. “Qodobbada sharci walba oo amaanka lagu adkeynayo waa inay noqdaan kuwo waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Kenya.”

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay markii uu sharcigan saxiixayay 19-kii bishii la soo dhaafay ee December, 2014; in uusan ahayn mid ka hor-imaanaya dastuurka u dagsan Kenya, isla markaana aan xad-gudub ku ahayn xuquuqda shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, isbahaysiga mucaaradka Kenya ee CORD ayaa dhowr casho ka hor u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka Kenya qoraal dacwo ah oo ay ku dal-banayeen in la baabi’iyo sharcigan, maadaama uu yahay mid shacabka Kenya ka duudsiinaya xuquuqda uu dastuurka dalkaas u ogol yahay.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here