Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa Oo Mudaysay Dhegaysiga Dacwad Ka Dhan Ah Suxufiyiinta Wargeyska Hubsad Iyo Gudoomiyaha Xuquuqal Iinsaanka Madaxa Banaan Oo Ka Hadlay

0
1004
Guleid Ahmed Jama Chairperson at Human Rights Center

Hargeysa,(HargeisaPress) —Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa waxaay 23ka January 2017 u mudaysay dacwad rafcaan ah oo ka dhan ah Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargayska Hubsad iyo Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha Hubsad, sida uu Xarunta u xaqiijiyay Cabdirashiid Nuur Wacays.

12kii November 2016 ayay Maxkamadda Gobolka Hargeysa soo saartay xukun ay sheegtay inay waxba ku wayday labada suxufi oo lagu soo eedeeyey inay daabaceen war been ah iyo inay soo saareen wargeys aan diiwaangashanayn.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu rafcaan ka qaatay xukunka isaga oo raba in la xidho labada suxufi.

“Suxufiiyiintani wax dembi ah may gelin waxaayse guteen oo keliya shaqadooda suxufinimo. Waa waxaan la aqbali karin in dawladdu kadeedo suxufiyiinta dhaliisha tebiya oo ay xidho warbaahintooda. Wargeysyada Hubsad, Codka Shacabka iyo Haatuf dhamaantood waxa xayirtay dawladda,” ayuu yidhi Guleid Ahmed Jama, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka.

Wuxuu intaas ku daray “Dawladdu waa inay dib ula noqoto rafcaanka oo ay ixtiraamto xorriyadda warbaahinta ee ay damaanad qaadeen dastuurka Somaliland iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Maxkamadda Gobolku way sii daysay labada suxufi waxaayse ayiday xayiraadda wargeyska. Xukunka Maxkamada Gobolku waa mid qaloocan oo aan dani ugu jirin xorriyadda warbaahinta. Hada, Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu codsanayaa ciqaab tan kasii culus.”

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: chair@hrcsomaliland.org

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here