Maxkamadda Oo Maanta Xukuumadda Ka Sugaysa In La Horkeeno Salaadiintii Iyo Dadkii Loo Qabtay Weerarkii Diiwaangelinta

0
713

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maanta waxa ku eeg toddoba cisho oo rumaan ah oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex u ogolaatay inay xukuumadu ku soo gunaanado baadhista kiiska salaadiinta iyo odayaasha kale ee loo haysto weerarkii deegaanka Sabo-wanaag ee ay diiwaangelintu ka socotay.

 

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika, u sheegay in maxkamadu maanta ka sugayso hay’adaha ammaanka Somaliland inay odayaasha iyo baadhistooda oo buuxda ku horkeenaan maxkamadda, maadaama oo ay toddobadii maalmood ee rumaanka ahaa maanta ku eegyihiin.

 

Warku, wuxuu intaas ku darayaa in haddii ay xukuumadu maanta maxkamadda horkeeni weydo salaadiinta iy odayaasha kale oo ay tiradoodu tahay 16 qof, in maxkamadu amri doonto in laga soo saaro xabsiga oo la keeno maxkamadda lana gudo geli doono dhagaysiga dacwadda loo haysto.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY