Maxkamadda Distooriga Ah Oo Ka Jawaabtay Fasiraad Sharci Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Dalbaday Oo Ku Saabsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka

0
735

Hargeysa, (HargeisaPress) —Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa jawaab ka bixisay dalab fasiraad sharci ah oo uu ka dalbaday Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, taas oo ah inay maxkamadda distooriga ahi fasiraad ka bixiso xeerka sirdoonka qaranka oo ay ka taagnayd dood ah qaabka ay u samaysantahay inuu yahay ciidan iyo inaanay ahayn hay’ad ciidan.

 

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan maxkamadda distooriga ah  ee Somaliland ka dalbaday fasiraadan, ka dib markii hay’adda sirdoonka qaranka laga qadiyay darajadii la siiyay ciidamada kala duwan ee Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu maxkamada ka dalbaday inay fasirto in hay’adu tahay hay’ad ciidan iyo inaanay ahayn iyo weliba in shaqaalaha hay’adan la siin karo darajada ciidamada.

 

Sidaas darteed, sida ay ilahan xogogaalka ahi sheegeen, maxkamadda distooriga ah ee Somaliland ayaa ka jawaabtay dalabkaas fasiraada sharci ee Madaxweynuhu ka codsaday, waxaanay maxkamadu cadaysay inay hay’addu tahay hay’ad ciidan, islamarkaana ay shaqaalaha hay’adda sirdoonka qaranku dhammaantood u qalmaan in  la siiyo darajada la siiyay ciidamada kale ee Somaliland.

 

Hase yeeshee waxa ay maxkamadda sare hoosta ka xariiqday sida ay muhiimka u tahay in tababaro kala duwan la siiyo shaqaalaha hay’addan, ka hor intaan la qorin shaqada haya’daas.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here