Maxkamadda Ciidammada Soomaaliya Oo Toogatay Saddex Dhalinyaro Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Tirsan Yihiin Al-shabaab

0
1067

dil loo gastya shabMUQDISHO,(HargeisaPress) — Sadex Dhagar-qabe oo ka tirsanaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa maanta lagu fuliyey dilka toogashada ah, ka dib markii ay Xukun dil toogasho ah ku ridday Maxkamadda Derajada Koowaad ee Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaasoo laayey Shacab iyo Masuuliyiin Soomaaliyeed.

Dambiilayaasha saaka lagu toogtay Tiirka Iskool Bolisiya ayaa kala ahaa Xasan Muxudiin Xasan oo ahaa ninkii fududeeyay weerarkii madaxtooyada Qaranka, Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo iyagu gacantooda ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo mas’uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa goob ka ahaa fagaaraha Iskool Boliisiya oo ah halka uu ku yaalo tiirka lagu toogtay gacan ku dhiiglayaashaasi.

Dadweyne farabadan ayaa goobta ku suganaa, kuwaas oo usoo daawasho tegay toogashada saaka lagu filiyay dhagarqabayaasha ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday gacan ku dhiigleyaashan oo iyagu qirtay iney gacantooda ku dileen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here