Maxkamada Hargaysa Oo Cisbitaalka Guud Ku Wareejisay Isbiirto Tiro Badan Oo Ay Soo Qabteen Ciidamada Boolisku

0
857

HARGEISA , (HargeisaPress) —Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa 360 caagadood oo isbiirto ah ku wareejisay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, taas oo u dhiganta 180 litir.

 

Isbiirtadan oo ay ciidamada Boolisku soo qabteen, ayaa markii maxkamadda la geeyay waxa ay ku wareejisay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa si ay ugu isticmaalaan qaliimada iyo baahiyahooda kale, waxaanay masuuliyiinta cisbitaalka Hargeysa sheegeen in noocan isbiirtada ahi tahay midda ay ku fuliyaan qaliimada culus, waxaanay maxkamadda uga mahadceliyeen sida ay cisbitaalka Hargeysa ugu caawisay isbiirtadaas oo beryihii hore la daadin jiray, balse hadda si kale looga faa’iidaystay.

1-102-740x555

Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa sheegay in sidoo kale xukuno lagu riday dadkii lagu qabtay isbiirtadaas.

 

Muddooyinkii dambe waxa ay maxkamadaha dalku xukuno adag ku ridayeen cid kasta oo ay ku qabtaan maandooriyayaasha dalka la soo geliyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY