Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo 283-Habeen Kadib Xayiraaddii Ka Qaadday Wargeyska HUBAAL

0
937
Wargeyka HUBAAL
Wargeyka HUBAAL

Hargeysa,(HargeisaPress) — Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa muddo Sagaal Bilood iyo Dheeraad ah kadib xayiraaddii ka qaadday Wargeyska Hubaal oo kasii bixi jirey Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Faysal-dhago- dhago), ayaa soo saaray Amar uu xayiraaddii kaga qaadayo Wargeyska Hubaal oo muddo 283-habeen ah xarun ah Ciidamo boolis ah oo Maalintii xayiraadda la saaray xarun ah u ahayd.

Guddoomiye Faysal ayaa isagoo tixraacaya Codsi horraantii Bishii march ee Sanadkan kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal oo nuxurkeedu ahaa in laga qaado xayiraadda wargeyska Saaran, isla-markaana raalligelin uu kaga Bixinayey Wixii gef ahaa ee ka dhacay, waxa uu Go’aansday in laga Bilaabo 25,08,2014-ka oo ku Beegnayd Shalay maxkamaddu ka qaadday xayiraaddii saarnayd Wargeyska.

Sidoo kale waxa uu Guddoomiye Faysal u daliishaday Xayiraad-ka-qaadistiisan kadib markii ay Booliska iyo Xeer ilaaintu Maxkamadda horkeeni waayeen wax kiis ama dembi ah Cad ah oo Wargeysku uu galay ama lagu sii hayn karo.

Wargeyska Hubaal ayaa xayiraad kasoo Baxday Maxkamadda Gobolka Hargeysa la saaray 13-kii BIshii December ee Sanadkii dhmaaday ee 2013-ka, waxana Muddadaas Sagaalka Bilood iyo dheeraad ah ee uu xayirnaa aan wali la arag wax dembi ah oo cidi kusoo oogtay, waxase laga bilaabo maalintii shalay wargeyska si buuxda Looga qaaday xayiraaddii muddada dheer saarnayd.

Xarunta Wargeyska Hubaal oo ku taalla Xaafadda Goljanno ee Magaalada Hargeysa, ayaa intaas xayiraaddu saarnayd waxa ay saldhig u ahayd Tiro ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, waxan Masuuliyiinta wargeysku muddadaas Geed dheer iyo Mid gaabanba u fuushanaayeen sidii loo qaadi lahaa Xayiraadda, maadaama oo aanay jirin cid muddici ku ah wargeyska oo si toos ah dacwad ugu haysataa.

Guddoomiye Faysal ayaa isagu in badan isku dayey in si degdeg ah Maxkamadda loo horkeeno kiisaska wargeyska Lagu Haysto, ayaa ugu dambayntii Go’aan Geesinimo leh ku Gaadhay inaan lasii eegan Karin xayiraad aan dhamaad lahayn oo saaran Meherad ganacsi oo sharci ah, taas oo diyaar u ah in lagu qaado dambiga loo Haysto Haddii jiroba.

C360_2014-08-24-11-28-24-110444Go’aankan uu Haatan qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil ayaa mid ay Soo dhaweynayaan Hoggaanka sare ee Wargeyska Hubaal, isla-markaana ah Hiil taariikhda Galay oo uu Siiyey Bahda Wargeyska Hubaal oo in Badan hore wax uga tirsatay Bahda Garsoorka.

Geesta kale tifaftiraha HUBAAL MEDIA Network Xasan Xuseen Cabdillaahi [Keefkeef] Ayaa Soo Dhaweeyey Xorriyada ay dib u heleen Sagaal Bilood ka dib xayiraad saarnayd oo dacwadda Maxakamaddu U dabranayd natiijo laga sugayay Eedaha Lagu soo oogay, kuwaas oo sir iyo caadba hadda ay Garawsatay inaanay waxba ka jirin. Xasan-Keefkeef oo Qoraal Kooban oo uu Ku daabacay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga, ayaa Kal iyo Laab kusoo dhaweeyey ‘Waxaan ku faraxsanahay in 254 Habeen Kadib [9 Bilood iyo 15 Cisho] uu Wargeyska Hubaal dib u helo xorriyaddiisii, Maxakamadda Gobolka Hargeysina ay maanta oo Isniin ah [25-8-2014] si rasmi ah xayiraadii uga qaado Xarunta dhexe ee Wargeyska ee Magaalada Hargeysa iyo dhaq-dhaqaaqiisii shaqoba’. Ayuu yidhi, ‘Waxaan jecelahay in sxbyaal aad ila wadaagtaan amarka Xayiraad ka qaadista Xarunta HUBAAL oo uu Maanta soo saaray guddoomiyaha Maxakamada Gobolka Hargeysa Faysal Cabdillaahi Ismaaciil (Dhago-dhago), amarkaas oo Cidda Khusaysa uu Ku Amrayo in Maxakamadu xorriyadii u soo celiso Wargeyska HUBAAL, kadib markii ay Xeer Ilaalinta iyo Boolisku wax natiijo ah ka soo saari waayeen dhamaystirka kiiska Lagu Soo eedeeyey, sidaasi darteedna Xayiraadii laga qaaday Maanta oo ay bishu tahay 25/08/2014. Illaahay Mahaddii weeye….Waxaan Aaminsanahay in Samirkii aanu guddoonsanay iyo yididiilladii aanaan ka quusan uu midhihiisii hadda soo go’ay, xaqiina is caddeeyey, Runtii Bahda HUBAAL oo halgan dheer u gashay ka midho dhalinta xayiraad ka qaadistan, waqti adagna ka mutay in aanu Alle Innagu khasaarin, Maantana Natiijadii gaadhnay… Aad baan ugu mahad naqayaa cid kasta oo ka hadashay xayiraadii Muddada sagaalka Bilood iyo dheeraadka ah na saarnayd iyo cid kastoo garab iyo gaashaanba U ahayd Hubaal Media Network….. Mahadsanidiin……’ Go’aanka uu Faysal Dhago-dhago xayiraadda Kaga Qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal, waxaa ay u aragtaa Tallaabo Garsoorka kale ee Somaliland kaga Dayan karaan oo wax ku Ool ah.

Codsiga Xayiraad ka Qaadista
Codsiga Xayiraad ka Qaadista
Xayiraad Ka Qaadista
Xayiraad Ka Qaadista

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here