Maxay tahay Ujeedadda laga leeyahay in Cabdi Illey saaaxiibkiisii loo soo xullo inuu madaxweyne cusub noqdo??

0
1065

Itoobiya waa dal guun ah oo siyaasadeedda sida lagu fahmaa adag tahay, dad badan waxay Is waydiinayaan maxa madaxweyne loogu doortay shakhsi gacanta midig u ahaa Cabdi Maxamed Cumar oo saaxiib dhow ay ahaayeen ?

Cabdi Maxamed Cumar ma isagoo xor ah ayuu is casilay mise xoog baa loo adeegsaday oo isagoo xabsiga ku jira buu is casilay ?, xisbiga yaa u sheegay inuu is casilay ma Cabdi laftiisa mise cid kale ??? si aynu su’aalahaasi uga jawaabno waa inay dhinacyo badan wax ka eegnaa  si ay inoogu soo baxdo jawaab  waafi ahi.

Dawladda dhexe ee Itoobiya waxay go’aansatay in aanay dhiig ku daadan inqilaabka lagu samaynayo madaxweynihii kilika shanaad, isla markaana si kasta oo shacabka loo badbaadin karo la sameeyo si aanay fadeexad ugu noqon Ra’isal wasaaraha taladda shacabka ku yimid ee Abiy Ahmed.

Labaddii maalmood ee ka dambeeyey intii ay dhaceen rabshaduhu waxa la qorshaynayey sidii  si nabad ah xilka loogala wareegi lahaa, dadkana irbad suuxisa ah loogu muddi lahaa, taas oo ay diyaarsadeen qorshihii ugu fiicnaa ee xilka loogu qaadi taageerayaashiisana loo dajin lahaa.

Maanta is waydiin mayno ma sifo sharci ah ayaa xilka looga qaaday  mise sifo aan sharci ahayn, taas waa dood kale.

Haseyeeshee waxaynu cabirayna siday wax u dhaceen, Aroortii rabshaduhu dhaceen waxay ciidankii fadaraalku uga baxeen magaalada dhexdeeda si aanay dadka iskugu dhicin, waxana lagu amray in aanay dadka dhibaato u gaysan, ka dibna waxa la isku dayey in waanwaan lagu dhameeyo oo uu  isku soo dhiibo Cabdi Iiley, haseyeeshee wuu ka diiday, waxaanu meel walba iskaga kala yimid ciidankii u carbisnaa ee Liyuu Booliska, kuwaas oo hubka ugu weyn ee ay haystaan yahay AK 47.

Ciidamada fadaraalku marka ay jigjiga soo galayeen  waxa ciidamadi Liyuu booliska loo sheegay in ciidankani xadka uu xidhayo oo uu socda, sidaas darteed ay wadadda baneeyaan, markii ay wadadda baneeyeen ciidankii wuxuu degay magaalada dhexdeeda goor habeenimo ah, waxaana la tusay quwad aad u badan iyo ciidamo aad u xoogan inay ku xeeran yihiin magaalada, wakhtigaasi waxa madaarka Jigjiga ka talinayey ciidamada Fadaraalka oo diyaaradahoogu ku soo dagayeen.

Aroornimadii isniinta waxa ciidankii Liyuu booliska lagu amray inay dhinac isku maraan, sidaas ayaana loo soo qabtay Cabdi ILey, awoodda Militari ee deegaanka la keenayna waxay cabsi galisay ciidankii uu ku faanni jirey ee Liyuu Booliska.

Intaasi markii ay dhacday waxa garab ka mid ah xisbigii lagu amray inay fadhiistaan oo ay doortaan hogaamiye cusub oo ay waliba ka dhigtaan wasiirkiisii Maaliyadda Axmed Cabdi Maxamed, sababta sidaas xisbiga loogu yeedhiyeyna waxa weeyi Itoobiya way ogtahay in soomaalidu aanay jeclayn Cabdi Maxamed Cumar marka laga reebo qoyskiisa hoose oo uu mudadii uu xilka hayey maal qabeen ka dhigay, sidaas awgeed wasiirku wuxuu ahaa qoyskiisa si marka inta yar ee reerkooda ah ee qaska samayn lahayd loo baajiyo ayey inaadeerkiisii u xigay ka dhigeen madaxweyne ku meel gaadh ah, ujeedadda ugu weyna waa in tolkiisa qaska samayn lahaa lagu dajiyo maadama oo dadka kaliya ee laga baqayey inay rabshado mar kale ka sameeyaan jigjiga ay ahaayeen .

Sidoo kale, garabkan ka mid ah xisbiga ee doortay madaxweynaha cusub may arag madaxweynaha la leeyahay wuu is casiley ee Cabdi Maxamed Cumar balse  masuuliyiintii gacanta ku hayey uun baa u sheegay inuu is casilay,  ilaa hadda inuu isagu afkiisa ka sheegay inuu is casilay cid ogi ma jirto, laakiin garabkan shirayey uun baa loo sheegay si ay iyaguna dadka ugu sheegeen inuu isagu iskii isku casiley, sidoo kale waxa kale oo  garabkan wax doortay loo  liqimay in madaxweynimadii uun laga qaaday ee gudoomiyenimadii xisbiga uu haysto, ma kula tahay qof dambiyo waaweyn oo kicin dadweyne iyo shaqaaqadii dhacday ee hanti iyo naf-ba loo haysto inuu sii ahaan karo gudoomiyaha xisbiga, hadii uu isagu dalbaday miyaanu shirgudoomiyeen xisbiga oo hortooda isku casileen kuna doodeen anigu xilkii madaxweynaha uun baan baneeyey ee kii xisbiga waan la hadhay, su’aalahaasi waxay inoo muujinayaan in wax badan la qarinayo,  ujeedadda ay ka lahaayeenna  waa in dadka lagu dajiyo, muhiimada ugu weyna waa in aanay dadku ku kicin waana qodobka ugu weyn ee ay qaateen  dawlada dhexe ee Fadaraalku.

Madaxweynaha ku meel gaadhkuna muddo gaaban uun baa loogu tallolgay iyo in dadka lgu dajiyo balse isna marka muraadkaasi laga dhamaysto waxa laga daba gaynayaa Cabdi Maxamed Cumar, waxaanu ka mid yahay 11 shakhsi ee ay calaamadaysanteen kooxda Dulmi diid ee mucaaradka ku ahayd taliska Cabdi Illey inay deegaanka dambiyo ka galeen, waxaana la hayaa muuqaalo uu ku caayayo kooxdii ku shireysay Diri dhaba ee dulmi diid la magac baxday.

Ugu dambeyntii, waxa meesha loo sii salaxayaa waa koox uu wato Ra’isal wasaare Abiy Ahmed oo hore loogu sheegay inay xisbi furtaan si ay uga qaybgalaan siyaasada gobolka, kuwaas baa ugu dambeyn talada kililka shanaad la wareegi doona haddii alle idmo.

Barkhad-Ladiif Cumar

barkhadladiif@hotmail.com

LEAVE A REPLY