Maxay tahay Sababta Eritrea ula heshiinayso Soomaaliya ee Jabuuti ula heshiin wayday.

0
879

Eritrea waxa uu khilaaf dhul ka dhexeeyey iyaga iyo Itoobiya iyo iyaga iyo Jabuuti, Itoobiya way la heshiiisay Eritrea oo dhulkii ay ku haysatay way u daysay, haseyeeshee Jabuuti kamay heshiin.

Dhinac marka laga eego Itoobiya way ka gardarnayd Eritrea oo dhul aanay lahayn bay ku haysatay Eritariya, guddidii xalisay go’aankii ay soo saartayna Itoobiya diiday, taasina waxay keentay in boqol kun oo qof ku geeriyoodaan, ka dibna Itoobiya labaatan sanno ka dib garatay inay la heshiiso Eritariya oo ay wada dhasheen oo dhulkii ay ku murmayeena u dayaaan walaaladood Eritariya.

Nasiiib daro Eritrea iyadoo ka gardaran tahay Jabuuti oo jabuuti dhul ay leedahay xoog kaga haysataa ayaanay doonayn inay la heshiisho balse Soomaaliya oo aanay waxba ka dhexeyn xuduudna ka dhexeyn usoo booday inay la saaxiibto, labadda iyagama haboonaa inay la heshiiso waa hadii la soo afjarayo colaadihii geeska.

Mar hadii aanay xuduud iyo dhul isku haysan Somaliya iyo Eritrea waa maxay danaha Eritarea ka rabto Soomaaliya ??.

Eritrea maxay Jabuuti ula heshiin wayday mar haddii Itoobiyaba la heshiisay ??.

Wakhtigii dagaalku dhexmaray Jabuuti iyo Eritrea waxay Somalidda waydiisatay hiil, soomaaliya iyo Somaliland way u gurmadeen Jabuuti, sidaas darteed, ujeedada Eritrea ula saaxiibayso Soomaaliya waa in aanay u kala hiilin Jabuuti iyo Eritariya, isla markaana Farmaajo iyo Geellaha Jabuuti u coloobaan, waayo Jabuuti waxay u aragtaa booqashadda Farmaajo mid iyaga lagu xumaynayo oo dhoolatus ah.

Eritariya waxay Soomaaliya ula colowday Itoobiyaad saaxiibtihiin, sidaas darteed mar hadii dhankeeda ka timid colaadu waxay ahayd inay Eritariya ku horayso imaanshiiyaha Muqdisho oo ugu yaraan wefti hor dhac ah u soo dirto Soomaaliya sidii ay Itoobiya ugu dirtay.

Marka weftiyo heer wasiiro ah la isku diro ka dibna madaxweynayaashu isku yimaadaan, iyadoo taasi dhicin ayuu madaxweynihii Soomaaliya waraaq uga timid Eritariya uu ka degay Asmara, taasina waxay hoos u dhigtay sumcaddii Soomaaliya.

Farmaajo waxa hore u khiyaameeyey oo sumcadisii hoos u dhigay Itoobiya wakhtigiii Qalbi dhagax loo dhiibay Itoobiya, taas oo boqolkiiba boqol taageeradii uu Soomaaliya Farmaajo ku haysta muddo gaaban hoos u dhacday. Khiyaamadii labaad waa tan Eritariya isku dirayso Soomaaliya iyo Jabuuti ee inta Jabuuti iska dhaaftay Soomaaliya usoo gacan haadisay.

Arrinta kaliya ee sumcadiisa badbaadin karta Farmaajo waa isagoo ergo ka gallay sidii uu u dhex dhexaadin lahaa Jabuuti iyo Eritariya oo uu iskugu keeni lahaa, haddii taasi dhici waydo oo uu diido inuu la heshiiyo Jabuuti waa in Soomaaliya ku degdegin inay safaarad ka furato oo ay si fudud ula saaxiibto Eritariya maadaama markii horaba Soomaaliya khalad iskaga collowday oo ay ku haysatay maxaad Itoobiya saaxiib ula noqoteen.

Faallo:Barkhad-Ladiif M. Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here