Maxay ka dhigantahay in Maraykanka safaarad ka furanayo Soomaaliya?

0
1033

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay in markii koowaad muddo 30 sanno kadib ah ay safaaradeedii u rarayso magaalada Muqdisho, iyada oo markii hore kusii shaqaynaysay magaalada Nairobi.

Haweeney af-hayeen ah oo u hadashay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.

Warka waaxda arrimaha dibadda ka soo yeeray ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay dhigan tahay sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Danjire Cabdisalaan ayaa sheegay in safiirka cusub Yamamoto uu yahay nin waayo arag ah, oo shaqooyin badan Afrika kasoo qabtay, aqoona u leh arrimaha geeska Afrika.

Durba waxa uu Maraykanka ku dhawaaqay in baasaboorka Soomaaliga ah la saari doono fiisaha ama dal ku galka Maraykanka, haseyeeshee waxaa weli halkiisii ah amarkii madaxweyne Donald Trump ee mamnuucista xagga socdaalka ee uu Soomaaliya saaray.

Mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddiisa markii ay billawdeen colaadaha sokeeye, taas oo keentay in milatariga Mareykanka uu safiirkoodii xiliigaas iyo shaqaale kale oo Mareykan ah uu ka soo daad gureeyo Muqdisho.

Sannaddii 1993 Mareykanka waxa Muqdisho lagaga soo riday labadii diyaaradood ee qumatiga u kacayay ee la oran jiray Black Hawk halkaas oo 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay.

Waxaa sidoo kale dagaalkaasi ku dhintay dad lagu qiyaasay boqolaal qof oo Soomaali ah.

Labadaas diyaaradood ee la soo riday ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabo Black Hawk down.

Mareykanka ayaa dowladdii cusbayd ee Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsaday sannadkii 2013-kii balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mareykanka ayaa duqeymo uu ku bartilmaameedsanayo dagaalyahannada xarakada al-shabaab ka wada qaybo badan oo Soomaaliya ah, waxaana dhawaan booqasho Muqdisho ku tagay madaxa taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here