Maxamed Saalax Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ciyaaryahanka Sannadka Ee Qaaradda Afrika

0
1490
Maxamed Saalax

HargeisaPress – Ciyaaryahanka u dhashay dalka Masar, una ciyaaro kooxda Liverpool Maxamed Saalax, ayaa markii labaad loogu codeeyey inuu noqdo ciyaaryahanka qaaradda Afrika ee sanadka.

Maxamed, oo ah 26 sano jir ayaa waxa uu tartanka oga guulaystay Medhi Benatia, Kalidou Koulibaly, Sadio Mane iyo Thomas Partey.

“Waa dareen cajiib ah” ayuu Saalax ku yiri qaybta barnaamijka ciyaaraha ee BBC.

“Waxan jaclaan lahaa inaan guulaysto sannadka dambana. Aad ayaan ugu faraxsanahay guushayda.”

Ciyaaryahankan sanadka ayaa waxa uu xiray 44 gool, 52 ciyaarood xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxa uuna kooxda Liverpool u soo hoyoyey guulo badan.

“Xilli walba waxan dareemaa inan xiraayo ama dhalinaayo goolal badan, waana dareen aad u wanaagsan.

Salah ayaa noqday ciyaaryahaykii ugu horeeyey tan iyo markii ciyaaryahaynka u dhashay dalka Nigeria ee lagu magacaabo Jay-Jay Okocha uu ku guulaystay sannado is xig xigay.

Jay-Jay Okocha ayaa u saxiixay kooxda Chelsea xagagaagii 2017-dii.

Xiddigan ayaa ah ciyaaryahan muhiim u ah kooxdiisa Liverpool, wuxuuna uu soo hoyiyey guulo badan isagoo dhaliyey goobol badan .Wuxuu isku dayey inuu jabiyo rikooryadii ka horreeyey.

Maxamed Barakat iyo Maxamed Aboutrika oo ka soo jeeda dalka Masar ayaa horay 2005dii iyo 2008dii ku guulaystay abaalmarintan.

BBC SPORT

LEAVE A REPLY