Maxamed Aw Siciid Waa Shakhsi Lagu Yaqaan Ganacsi Sharci Ah Dadkana Wax Tara

0
3184
Ganacsadaha caanka ah ee reer Somaliland Maxamed Aw Siciid Geedi POTO FILE

Waxa hubaala in qof kasta oo dhulka somalida ku nool uu si fiican u yaqaano qof ka uu yahay Maxamed Aw Siciid iyo waxa uu qabtaba.

MAXAMED AW SICIID waa ganacsade caan ka ah dhulka soo maalida waxa ganacsiga uu ku caanyahay ka mid xadhiga (fiber optic)  ama shirkada SOMCABLE iyo shirkada si gaarka ee  BUSINESS ROYALS oo ganacsiga gaadhsiisa wadamo badan oo Afrika ku yaala iyo qaar kale oo la hal maala.

Maxamed Aw Siciid waxaa uu qayb laxaadle ka qaataa mar walba shaqo abuurida wadanka ka jirta,  waxa uu shaqaalaysiiyaa kumanaan ka mida dhalinyarada Somaliland waxaana la odhan karaa waa dadka tirada yar ee wadanka shaqooyin badan u abuura oo ka baajiya kumanaan dhalinyaro ah inay tahriibaan oo ay noloshooda khatar galiyaan.

Maxamed Aw Siciid  waxa uu kaalin muuqata  kaga jiraa barnaamijiyada kor loogu qaadayo adeegyada bulshada iyo tabarucaadka meelaha danta guud ah sida cusbitaalada, garoomada kubada cagta, dugsiyada, jaamacadaha.

Maxamed Aw Siciid wax yaabaha uu ganacsatada kale dheeryahay ee uu caanka ku yahay waxaa ka mida wax bixinta iyo taakulaynta dad danyar ah.

Waxa jira qoysas badan oo biil loo qoray oo bil walba qaata.Maxamed Aw Siciid waxaa uu caan Ku yahay qof u shaqeynaayey haduu dhinto inaan laga goyn musharkii ee uu waligiiba oo ay agoontaasi qaadato.

Maxamed Aw Siciid Waxa jira dad is ka danyar ah oo u taga ma siiyo xaqul miskiin midna lkn waxa uu siiyaa wax noloshooda ay ku maarayn karaan sida gaadhi, guru, shaqo iwm.

Maxamed Aw Siciid maaha nin Mana sheegta ama halagu arko iyo faan wax u bixiya sida ay caanka ku yihiin qaar badan oo ilaahay wax siiyey oo wadanka ka shaqaysta kana hela faanka iyo halagu sheegsheego.

Qof kasta oo wax u qabta dadka ama wax yeesha  waxa Hadi qof ku wanaagsan yahay in aanu nabad galayn, waayo waxaynu arkaynaa inay u quudhi waayeen Maxamed Aw Siciid  Somalilander-nimadiisa waxaanan anigu u arkaa inay yihiin dad ka xun fadliga Ilaahay siiyey ganacsadahan,soomaalida waa caadadeeda inay iska eedeeyaan waxa jira dad been abuur iyo wax aan caqliga galayn iska qora dadkaasi waxaan leeyahay MAXAMED aw SICIID waa nin ku suntan baalka deeqsinimada iyo wax bixinta iyo taakulaynta dadka baahan borobagaando iyo wax lays ka yidhaahdaana waxba yeeli maayaan.

Shaqsiga madaxnimo wadanka ka doonaya ee hadana siyaasad ka dhiganaaya inuu kolba meel waxaan caqligaba galayn ka yidhaahdo ganacsatada waxaan leeyahay ADEER NINBAAD WADA ORODEEN WAANU KAA DHEEREEYEE  MAXAAD KOLBA NIN AAN ORODKA IYO TARTAN KA KU JIRIN U XAGANAYSAA adiguba ganacsayaad lahayde iyaga eerso cidaan u jeedo waa layska garanayaa koley.

Waxaan leeyahay QUDHAANJOOY KU QUUSO MAXAMED AW SICIID waa nin la yaqaano waxa uu ka shaqeeyaba….

Wabilaahi Tawfiiq

Siciid Abdi Jama

Lasoco qaybta danbe…….

LEAVE A REPLY