Maxaad Kala Socotaa Tobobbarayaashii Ugu Wakhtiga Dheeraa Ee Layliya Hal Koox?

0
1627

HargeisaPress —Qormadeenan ayaanu kusoo qaadan doonaa kuna xusi doonaa tobobarayaashii abid ugu wakhtiga dheeraa ee soo layliya hal koox. Liiskeenan ayaana ku sheegi doonaa tobobarayaal naftooda u haneeyey kooxdii ay joogeen, haddaba liiskan ayaa u dhigan sidan;

Guy Roux (Auxerre 1961–2005): waa tabobaraha ugu badnaa ee joogay hal koox, kaasoo joogay muddo ku dhaw hal qarni, waxaanu kooxdiisa Auxerre uu laylinayey ama uu watay 894 kulan oo horyaalka wadanka Franceka ah. Macalinkan joogay 53 sannadood ayaana kooxda Auxerre gaadhsiiyey guulo muhiim ahaa oo dhinaca horyaalka wadankooda ah, iyo koobka Champions League-ga.

Willie Maley (Celtic 1897–1940): waa tabobaraha labaad ee muddo dheer layliya hal koox, isagoo watay kooxda Celtic 1,045 Kulan isagoo mudadaasi gaadhsiiyey guulo hor leh oo ay ku naalootay kooxda Celtic, waana tobobarahii gaadhsiiyey kooxdan rikoodhka ay ku  haysato Guul-daro La’aanta (Unbeaten) 62 kulan. Maley waxa uu ahaa tobobarihii koowaad ee kooxda Celtic layliya.3 .Bill Struth (Rangers, 1920–1954): waa tobobarihii hore ee kooxda Rangers waxaanu laylinayey muddo gaadhaysa 34 sannadood, waxaanu u qaaday koobabkiiugu badnaa ee kooxda Rangers Qaado.

4 .Ronnie McFall (Portadown 1986–2016): Macalinkan ayaa laylinayey kooxdan muddo gaadhaysa 30 sannadood ah, waxaana ugu dambeysay kulankii ay kooxda Portadown la yeelatay Lurgan Celtic kaasoo lagaga adkaaday 3-2.

5 .Ignacio Quereda (Spain women, 1988–2015):  Macaliada kooxda xulka qaranka Spain ee Quereda ayaana tobobaraysay kooxdeeda haweenada muddo gaadhaysa 27 sannadood ah, waxaanay u qaaday koobka adduunka ee haweenka iyadoo sidoo kalena gaadhsiisay guulo kale oo hor leh.

6 .Sir Alex Ferguson (Manchester United, 1986–2013):  waa macalinkii waynaa ee kooxda Manchester United isagoo noqonaya hormuudka tobabarayaasha abid soo mara horyaalka Premeir League-ga, waxaanu laylinayey kooxda Muddo 27 sannadood ah, isagoo u qaaday 13 koob oo horyaalka Premier League-ga ah, 5 FA Cup, 4 League Cups (kahor intan loo biin Premier League-ga), 2 Champion, 1 Eufa Cup iyo supper cupyo badan. Ferguson ayaan guud ahaan u qaaday kooxdan koobab gaadhaya 28 koob waxaana micneheedu yahay inuu sannad kasta qaaday wax kabadan hal koob.

7 .Juan Santisteban (Spain youth, 1988–2008): Mudo Labaatan sannadood ah ayuu laylinayey kooxda Da’yarta wadanka Spain, waxaanu qaaday koobab tiro badan mudadaasi. Waxaanu Juan hore u ahaa xidig usoo ciyaaray Real Madrid, balse waxa uu kaalinta 7aad kasoo galayaa macalimiinta hal koox layliyey sannado badna. Dhamaad..

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here